Home

Makayte

                                                              Olol Reema

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Olal Reema waa gabay ka mid ah silsilad gabay ah oo dhexmertay niman Ogaadeen ah iyo kuwo Isaaq ah 1980aadkii.  Makayte silsiladdaa wuxuu ku lahaa ilaa afar gabay, kanina waa kii u horreeyey.  Wuxuu yidhi:

 

1.   War gabaygu waa awow iyo ab iyo, oday kasoo gaadhe

2.   Ninkii ila-qalwayn moodayayow, waa umuur culuse

3.   Ilaha Faafaneed buu ka helay, aarkii duudsadaye

4.   Kolkuu Raage uugaamiyuu, Maaxna oogsadaye

 

6.   Aniguna ishaartii ku helay, inaan idhaahdaaye

7.   Unkad iyo hilaac baygu dhacay, uuro iyo roobe

8.   Illo soo wada fakaday, eega la i moodye

9.   Ilaaq iyo saleeliyo ma galo, aadba kurayeyne

10. Abwaankiyo ninkii shaacir ehee, odhanba mooyaane

11. Waa waxaan amaah lagu helayn, iibna lagu waaye

 

13. Hayeeshee waxaan aamusoon, amug ahaadaaba

14. Indhahayga waxaan duubo oon, dib u ilkaadaaba

15. Arin ugub ah waxaan fiiriyoon, uurka celiyaaba

16. Unkad gabaygu feedhaha, wuxuu iihda ka hayaaba

 

18. Sidii igadh saleelaba waxaan, inamo diidaaba

19. Ilkaha iyo waxaan miciyihii, iriq ka siiyaaba

20. Siddii aar libaax waxaan dibanaha, kala ilaalshaaba

21. Ardaagii naxwuhu ii fadhiyey, waxaan ilaaqaaba

 

22. Ogol diidan maansada waxaan, ku ag wareegaaba

23. Obabka iyo kulaylaha waxaan, orod ku jiidhaaba

24. Ishaaradu siday tahay waxaan, u anba qaadaaba

25. Adkaysiga waxaan badiyoon, urugo reemaaba

26. Ururka iyo Sugraa ii waramay, xalay alleylkiiye

27. Sidaa aawadeed gabayganaan, soo awaajiyeye

 

29. Ujeedada murtidu daaran tahay, waa in la arkaaye

30. Aqoonyahan waxaa loo ogaa, ubaxa Daaroode

31. Agafaaradii iyo hadday, adhi-jirtii heestay

32. Awr dabar la’aan dhacay libaax, aano waw yahaye

33. Ey waliba maansada hadduu, nagu ataagaayo

34. Olol Reema waa inaan tirshaa, uubo kala jeexe

 

36. Ha la aamusee……………………

37. Adin-dheere iyo bii’em waa, inaan istaadhaaye

38. Olyatiibadaan maaganahay, amarka la i siiyey

39. Abaartaan la rabo waa inaan, eber ka siiyaaye

40. Argagixiso waa inaan ku rido, nimanka Iidoore

 

42. Uluuf iyo uluuf iyo lag xaraf, ararta suugaan ah

43. Oo lala irkago waa inaan, anigu sheegaaye

44. Taariikhda laga soo askumo, Aadan iyo Xaawo

45. Asaxaabihi diintee, odhan ogaa sowdka

46. Anbiyaaladii iyo dhamaan, awliyada oo dhan

47. Intii dhimitay iyo uumiyaha, eega waxa jooga

48. Awaw iyo adeer aaboiyo, aniyo xigaalo

49. Abtirsiintu way soo ahayd, abidankeediiye

50. Ninba meel unbuu kaga aadan yahay, kuna arooraaye

51. Iidoorigaa iidooridii, inantu noo keentay

52. Awr-kiraalihii soo gabyayow, erayadaad baantay

 

54. Reer Aw Absame Kuumadiyo, ubaxa Daarood ah

55. Ariirow Aboow iyo Hawiye, eegga Gadabuursi

56. Oromo iyo Reer Adari iyo, Ayka iyo Ciise

57. Af kastaba ha lagu kala hadlee, idilka Soomaali

58. Ummadaa asiiliga ahee, adiga kaa fiican

59. Af-lagaadadaad wadar ahaan, oodda kaga qaaday

 

61. Anshax xumadaad soo dirtiyo, aana kala sheega

62. Umuur aanan filaynin baad, ku andacooteene

63. Nacii uurka kuu jiifay buu, xaday afkaagiiye

64. Iidha kaa khasaartaad lahayd, waa laguu odhane

 

66. Aqalada Tindheer iyo hadaad, ehelka diidayso

67. Idinkoo abaal nagu qabaa, la arki doonaaye

68. Inaad akhasu-naas tahay horaan, kuu aqoon jiraye

69. Waa inan-gumeed caadadii, erayadaadiiye

70. Ku ogaaday oo waan arkaa, alamba’aagiiye

71. Adi iyo ayeydaaba waad, edeb daraydeene

72. Bal in aabahaa iyo la gubo, adiga ruuxaaga

73. Uruurshaha Kacaankiyo maxaa, odayga kuu geeyay?

75. War ma ubuxuu kuu beeray baa, ku anfici waayey?

76. Ma ilayskuu kuu galiyey baad, aayar shidan wayday?

77. Islaaxa iyo nabadii miyaad, eeday tidhi maanta?

 

79. Anbataye bal aan kuu fasiro, ammanda’aagiiye

80. Oomanaha jiilaaladii, lagugu aafeeyay

81. Abaartii Ilaahay in badan, adhaxda kaa saaray

82. Ee adhiyo geeliyo lo’diyo, ubadka kaa laysay

83. Idinkoo ashqaran oo biyooy, na ag wareegaaya

84. Inan baabad naga siin jirteen, awrka dhaanka ahe!

 

86. Abidkiin abaal mana gashaan, mana awoodaane

87. Nin abeeso koriyaan wanaag, dib ugu aayeyne

88. Ammaankii hadduu kaaga daray, adi laguu yeelay

89. Olol iyo dab waa inaad lugaha, aad u galisaane

 

91. Ergi iyo dhunkaal xoolahaan, iligta saarayne

92. Idinkuna abuurkaad sidaa, uga ekaateene

93. Asaaskiinii hore meel xunbaad, ka ildhabaysaane

94. Afaraydii hiirtalay markuu, amarku kuu geeyey

95. ....

96. Asal iyo nin farac kuu yaqaan, oo og dhaladkaaga

97. Oo kuu abtirin baan ehee, maqal odhaahdayda

98. Abasiiniyiin baad tihiin, ehel Xabuusheede

99. Ayaamuhuba kala soocan iyo, aayadaha diine

100. Alamtara kuwii lagu akhriyey, idinka weeyaane

           

102. Arday waliba sheekhiisa waa, la af yaqaanaaye

103. Ilmuhuna wixii jira mar bay, dhab u inshaaraane

104. Marbay ununufaan ooy gartaan, iinku suu yahaye

105. Iidoor Af-dhogor waa waxay, kuu odoraseene

           

107. Astaamaha idiin gaar ahee, Eebbe idin saaray

108. Waa eber dabadan aan badhyaba, loo umaamadine

109. Waa ugaadhsanaantan aad miskaha, ka ibtilowdeene

110. Iyo inantan baaseed ragguun, la hor ordaysaane

         

112. Toban aabe iyo toban awoow meesha iyo, toban ayeeyadba

113. Amaan qudha hadaad leedihiin, ma odhan waayeene

114. Idinkaa asaagiin ka hadhay, oo iblays galaye

115. Adoontii Muqlaad inaad tihiin, ma inkiraysaane

116. Sidaa aawadeed ani hadhow, iguma oydaane

         

118. Anbataye bal aan kuu fasiro, amanda’aagiiye

119. Aga iyo haddee waa naxwaha, udub-dhexaadkiiye

120. Iminka iyo naw iyo dhaga, awda iyo shiida

121. Af-soomaaligaba laguma qorin, erayadiiniiye

122. Islaanimada iyo diinta aan, ku istareexayno

123. Ma ogolidin oo meel kalaad, u indha taagtaane

124. Malaa’igaha Ilaahay khalqaye, amarka soo qaatay

125. Idinkoon arkayn maqalkiibaad, ku adyadayseene

126. Udgoonow Rasuulkiina, waad ka anfariirteene (csw)

127. Allana waxaad u caydaan siddii, uu adoon yahaye

           

129. Sayid Maxamed baa idin ogaa, ab iyo sii raace

130. Gabay idin asiibaa jiroo, odayo sheegeene

131. Idinkaa ajada miirta iyo, uuska xoolaha e

132. Wax intaa ka daran baa jiroon, idin ogaysiine

           

134. Shanta qaaradood ee askuman, Gaal iyo Islaanba

135. Addreeska meeshaad gashaan, uunku falanqeeye

136. Adoonkii Hubuur baydin dhalay, luga agaafoowe

137. Ilayska iyo haddii aanu nahay, ubaxa Daarood ah

138. Amiiro iyo inaan boqoro nahay, waad ogsoontahaye

139. Aalkolaystayahow miidhan ee, laysu soo uruurshay

140. Inaad aamusnaatiyo haddii, edeb lagaa waayey

141. Waagoo iftiimaan gacmaha, ciddi ku owdayne

142. Uuj iyo amaajuujkii aad, adigu sheegaysay

143. Ayixii dushaaduu dhamaan, aarmi ku hayaaye

           

145. Otomaatik bay wada sitaan, aalad xoog badane

146. Ayaan gaadhi maysaan hadday, idin ataagaane

147. Inaad na uqubaysaan unbaan, ka istixyoonaaye

148. Wallaydaan aroor iyo habayn, nala ahaateene

           

150. Ha yeeshee ninkii kuu arxama, ma ogolaataane

151. Waayadan asxaankii unbaad, umal ka qaadeene

152. Orgiyahow adoo waalidii, alamba duulaaya

153. Aar miciyo dhaadheer adaa, galay afkiisiiye

154. Adhaxdiyo hadduu kaaga dagay, oofta feedhaha e

155. Haddaad ee’ataan sida riyaha, kaa aqbali maayo!

         

157. Ergadaad hadhow soo dirtaan, kaa aqbali maayo!

158. Araare iyo seedow i bixi, kaa aqbali maayo!

159. Abtiyaal miyaad waalateen, kaa aqbali maayo!

160. Waar miyeyna inantii ku dhalin, kaa aqbali maayo!

          

162. Oon iyo haraad baan qabaa, kaa aqbali maayo!

163. Arqabo iyo xigaalaan ahayn, kaa aqbali maayo!

164. Uubato iyo qayliyo hayaay, kaa aqbali maayo!

165. Adhigaan idiin qali ogaa, kaa aqbali maayo!

166. Odayadaan idiin toobi jiray, kaa aqbali maayo!

167. Ummul baan xamaali u ahaa, kaa aqbali maayo!

       

169. Ashahaado aydaan saxayn, kaa aqbali maayo!

170. Eedaankan aydaan sugayn, kaa aqbali maayo!

171. Sidii eyro geel oo kaliil, awrka lagu qooqshay

172. Haddaad soo amaar-goojisaan, kaa aqbali maayo!

          

174. Aqalkiisa ruux gubahayoo, ololin reerkiisa

175. Waa waxaan la arag oon la maqal, idinka mooyaane

176. Ummad aydun kala qaybisaan, kaa aqbali maayo!

177. Waa ul iyo dhuuxeed kuwaad, kala eryeysaaye

178. Uur hooyo laba wada galayoo, oday walaaleeyey

179. Ilma adeer inaad kala dishaan, kaa aqbali maayo!

        

181.Isticmaar jacaykiinu waa, oday kasoo gaadhe

182 Iimaankii baa idinka maqan, edebtu saarayde

183. Inaad calankan soo iibisaan, kaa aqbali maayo!

          

185. Soomaali aayaha dambiyo, urursanaanteeda

186. In gumaysi haystiyo xornimo, inuu Illaah siiyey

187. Isu imashadoodii dhaqsaad, u arki doontaane

188. Shanta oday ilma-adeerku waa, tiir awood badane

189. Soomaalida inteedaa kaliyo, aniga Daarood ah

190. Oon kala irdhaysnayni waa, mahad Illaahaye

191. Qaranimada reerkaa inkiray, ee irdaha jeexay

192. Waa ey dharaar ciyey waxay, ku andacoodeene

193. Ilaalshimaha guud ee, cadaawaha la eegaayo

194. Alool iyo difaac dhinac kastaba, waanu ka ahaane

195. Iidoor inaan kala tashado, kaa aqbali maayo!

         

197. Tan ebayeye mid kale aan ka guro, ooda dhacameede

198. Ambaqaad labaad aan ku daro, erayadaydiiye

199. Aan istaadho miinooyinkii, aasanaan jiraye

200. Ha uugaanto maansadu waxsoo, oodmi ma ahayne

201. Unkad iyo sidii roob hilaac, hayga oogsada e

202. Af-ku-dhogoradii baa kibaraye, ha iga ooyeene

203. Afar sano iyo dheeraad ilamada, ha iska duugeene

204. Alwaax iyo siddii looxya jabay, eber ha qaateene

205. Olol Reema aan tiriyo waa, uubo kala jeexe

           

207. Aqli iyo aqoonxumo darteed, inamadii heesay

208. Ee or iyo jiib lama filaan, uunka maqashiiyey

209. Misna oobarayn kale galow, laydinku ogaaye

210. Inyar iyo in badan toona, khayr laydinka idleeye

211. Abdayahay adduun laga gudbaad, idinku joogtaane

212. Eryaaydii dagaalkii ka dhacay, Adari guudkeeda

213. Altaleerigii iyo bii’emkii, laysku amandhaadhshay

214. Afantariga iyo kaarihii, laysku utunduunshay

215. Miigii ordaayiyo hubkii, uuradii ololashay

216. Ebyan yaa lahaayeey markii, laysku ararreentay

217. Aslaaxii Godey maalintuu, uumigu is gaadhay

218. Aarmiga markii laysku riday, ololka baaruuda

219. Injirlaydii Xabashaad markaan, adhaxda naafaynay

220. Ayale iyo markii aan Girmaba, uurta kala goynay

221. Markuu eynigiin weerarkii, ridayey Aakeyga

222. Alaabtii guryaha taalay baad, idinku boobteene

223. Bal in aydaan aaqibo lahayn, laydinka idleeyey

224. Meydkii uraayiyo bakhtigii, uubta lagu dhaafay

225. Wax agjoogay Iidoorka iyo, eyda oo qudha he

          

227.Isticmaarkii aan laynay ee, eberka loo qaaday

228.Ilma adeeradiin oo la jaray, yaad u aragteene

229.Awr-kiraha gaal baad tihiin, abidankiiniiye

230.Oorida haweentana nacfiga, waysla ubataane

231.Iidoor Iblays iyo Kufrigu, waa ilama-adeere

232.Sidaa aawadeed naarta, waysku arki doontaane

          

234. Tan ebayeye tu kale aan ka guro, ooda dhacameede

235. Ambaqaad labaad aan ku daro, erayadaydiiye

236. Aan istaadho miinooyinkii, aasanaan jiraye

237. Ha uugaanto maansadu wax, soo oodmi ma ahayne

238. Unkad iyo sidii roob hilaac, hayga oogsada e

239. Af-ku-dhogoradii baa kibaraye, ha iga ooyeene

240. Afar sano iyo dheeraad ilamada, ha iska duugeene

241. Alwaax iyo siddii looxya jabay, eber ha qaateene

242. Olol Reema aan tiriyo waa, uubo kala jeexe

           

244. Aqli nimaan lahayn oo Caloow, oodan baa tahay

245. Uu’uuda iyo qayladaad, uunka maqashiisay

246. Utuntaad xasuusini tolkay, suu isu idleeyo

247. Aqbal ma aha ducadaad Illaahay, aad ka baridaaye

248. Daarood Allow madhi intaad, ku andacoonayso

249. Naaraa-afuufyahow intaad, laba-aflaynayso

250. Awal Arab umuurtuu ku dhigay, taana ma ilowday?

           

252. Agagaarka Laanqeyrta saad, ugu unuunbeeshay

253. Aas li’ida maykii badnaa, taana ma ilowday?

         

255. Afyare iyo Sammaa oo qudhaad, ka anfariirteene

256. Aroortay balaadh kuu galeen, taana ma ilowday?

258. Sacad Muuse waa kii irkagay, ee la oofsadaye

259. Uurar-weynta meeshii la dhigay, taana ma ilowday?

        

261. Asaraar baqaha waa kii aad, Cobbole aadeene

262. Ummadaydun soo magan gasheen, taana ma ilowday?

          

264. En Ef Dii irdaha Koonfureed, aagaga u jeeda

265. Isha Mudug ardaayada Nugaal, ubaxa Buuhoodle

266. Awaare ilaa iyo Hawaas, Adari guudkeeda

267. Alla mahad intaasaa abkay, aniga yaalaaye

268. Haddaad uubataysiyo haddaad, aad u gubanayso

269. Afrikada badhkeedaanu nahay, waadan na aqoone

270. Afarta koone niman kaa xiga, oo eeda kaa badiyey

271. Aqoon gaabni baa kaa hadline, ma adyadayseene

          

273. Awoodaad ku dhici geelayaga, eganka daaqaaya

274. Atooryahow libaaxyada qabkaad, ugu ufoonayso

275. Arab baad iskaga celin lahayd, adhax-jabkiiniiye

        

277.  Ebyey uuba-jeex maansadii, aydinka ahayde

278.  Soo uruurshay gabaygii ahaa, oday ka sheekeeye

279.  Awalkiyo anoo aakhirkii, idin ogaysiiyey

280.  Aqoontayda aan kuugu daro, erayo soo yaale

281.  Adduunyada markii la khalqay, ilaa Aadan iyo Xaawo

282.  In Iidoor wax soo maamulaa, muu ahaan jirine

283.  Ma istaahishaan dawladnimo, laydin  aamino e

284.  Awal hore dadkii idin xukumay, baa idiin taline

285.  Amar qaata oo yaan mar kale, eel lasoo kicinin

286.  Afkiinaana ka adkaada, waa edeb darraateene

 

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad I

Makayte II

Makayte III

Fakad I

Fakad II

Fakad III

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.