Home

Cali Banfis

                                                              Kudkude

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 2aad ee Banfis

  • Kaahaa la wada eegayaa, awr kabaal qabaye
  • Koonfur iyo Waqooyiba hadday, laydhu kaafidaye
  • Sidii ceel karkaarada xunbada, kor uga soo tuuray
  • Nabsigii karuuraaba, u soo kacaa-budhiye
  •  
  • Kefedii rognaydbaa xaqii, soo kor marayaaye
  • Kacaankaad u sacabaynaysaan, waa la kaarahaye
  • Dharigay idiin karinayaan, waa kud iyo fare
  •  
  • Dhunkaal soo kalaankalaysa, baad so kilkilsaane
  • Koodhkii Afweyne iyo la tuur, kab iyo xaarkeede
  • Kaalintii Bukaasuu galoo, wuu kurbanayaaye
  • Kaydkii Amiin buu dhigtay, oo koorihii ga'aye
  • Ninka maanta kaalmaynayaa, kayd xun dhaansadaye
  •  
  • Konton lihii Rashiid lagu diliyo, Kennedi baa u yaale
  • Keebka iyo liishaanku waa, kama dambaystiiye
  • Haddii koodh la taagiyo haddii, lagaga kaw siiyo
  • Waqtigiisiibaa kooban oon, kadab u yeelayne
  • Kilaal buu dhex joogaa Cigaal, waana kalidiiye
  • Dhaaxuu idin kabankaabiyoo, waydinaan kohane
  • Hadii aanu waran kiisu Karin, reer nin kaliyaale
  • Waa inaad sidii naag la kaday, kabaha qaadaane
  •  
  • Mar baan koran xiniinyaha la muday, kebed la saarayne
  • Hogaan lagu kaxeeyiyo marbuu, keena-goys yahaye
  • Kaymuhuu dibboodaa intuu, kadinka jeexaaye
  • Kiintaaladu jiidayo ee, lagu kadeedaayo
  • Ee lagu kor fuulaayo ee, lagu karbaashaayo
  • Dameerkuba kabaalada marbuu, kabax ka siiyaaye
  • Kuray yari wuxuu aar gutaa, maalintuu koro e
  • Kudkudaa u liitoo nin geed, waa ka kiciyaaye
  • Tolkayow maxaa u kuududaan, laydin kooreeye

Gabayo kale oo ay ka mid ahayeen tuducyadan hoose oo Banfis tiriyey ayaa jiray ee soo raadi:

  • Daarood marbuu ii ahaa, mulac sidiisiiye

  • Mudug baan kasoo qaadi jiray, maydhab caga weyne

  • Milmil iyo Bulaalaba ka dhimay, muranadiiniiye

 

  • Geeltoosiyuhu waa Absame, galafdhabaayaaye

  • Galsha miirka iyo uuskii bay, galalafaayaane

  • Geedkii awowgood lagu dileey, garab yaxoobaane

  • Gidaaraday la wada yuururaan, gar iyo ceebayse

  • Waxay talo ku gaadheen inay, laba godleeyaane

  • Haddee yaa na gaday waa intay, garsho siisaaye

  • Dhaqaalihii godbaa looga riday, gaananaan jiaraye

  • Ayax gacan wax lagasiinayaan, ciddi wax gaadhssine

  • Guuriye Cagdheeroow hunguri, gabiyo kaa tuurye

 

  • Dooxaa Hargaysaan masaal, kuugu darayaaye

  • Mareexaankii waa kaa ka dagay, labada daamoode

  • Daaradaan lahaa baa Tindheer, igula doodaaye

  • Magaaladu hadday durugtay, waa daris collaadeede

  • Iyagaa dalkoodii ka yimid, duulka soo qaxaye

  • Daaduunkan ay keenayaan, kama daweeyaane

  • Dushaa adi lagaa saarayaa, kugu danaystaane

 

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte II

Makayte III

Fakad I

Fakad II

Fakad III

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.