Home

Xuseen-dhiqle

                                                              Ingiriis sidii loo galay

Qayb Libaax
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dagaalkii Fardhidin ee 1901dii dhexmaray Daraawiish iyo Ingiriis ka dib waxaa dhacay duullaankii lagu hoobtay ee Beerdhiga (1902dii.)  Beerdhiga wuxuu Daraawiishta iyo Ingiriis iyo wixii la socday ku dhexmaray goob magaceeda lagu sheegay Xodayo oo Mudug ka tirsan. 

 

Kolkii Fardhidin lagu jabiyey, Kornayl Swayne oo ciidamada Ingiriiska madax u ahaa  wuxuu la kulmay ceebin iyo canaan kulul oo kaga timid xukuumadii Ingiriiska.  Sideebay Daraawiishi uga adkaatay ciidankii xoogga badnaa ee boqortooyada?  Sideebuu  kaaga il helay wadaad miskiin ah oo aad ka hub iyo hantiba badan tahay? Ciidan, cudud iyo cuud  maxaad u baahan tahay si aad usoo afjarto wadaadkan iyo dhaqdhaqaaqiisa?  Wasaaraddii Dagaalka ee Ingiriiska ayaa soo dirtay su’aalo noocaa oo kale ah, Swayne naftiisana waxaa loo arkay hoggaamiye nugul oo aan aqoon fiican u lahayn tabta dagaalka.   

 

Haddaba, si uu ceebta isaga rogo una aarguto, wuxuu soo abaabulay dagaal hor leh oo aanu waxba la hadhin.  Daraawiish oo dhinaca Mudug u naqraacday ayuu doontay iskuna dayey inuu iyagoo warmoog ah darbad aysan kasoo waaqsan ku dhufto.  Xoog lagu sheegay illaa 4000 oo asgari oo Ingiriis, Hunuud, Afrikan iyo Soomaali isugu jira ayuu soo kiciyey.  Daraawiishina way ka war heshay duullaankaa kusoo maqan cidhbaha ayeyna aasatay.    

 

Xodoyo ayey xabbadu miifleysay, waranka, gaashaanka iyo seeftuna kulmeen.  Illaa habeenka niskiisii dambe ayey guubaabadu dhinac walba ka uugaantay.  Guul iyo geeri ayuu Darwiish walba goostay inuu mid ahaan helo.  Xaqa iyo Dulmigu ma eka, laba ninna kolba kii ciil qaba ayaa adkaada, mintid fara yarna maaro looma helo.  Aaheey, aji iyo midgabana wuu dilaa Uustar buuxsamay.[2]  Maydkii ayaa labada dhinacba tiro beelay. Daraawiishi saynta ayey gacanta ka buuxsatay Ingiriis caga-weyne illeen waa  rag uu ciil ku gaaxsamaye.  Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruude[1] oo hordhac ah ayaa ka dhabowday.  Mahbar badan oo Soomaalida la muuqaal ah asii mabda’ kale ku dagaalamayey ayuu tukuhu indhaha kala baxay.  Geeri lama seego godkuna waa lama huraane, Ingiriis aad ayey Daraawiishi u hurguftay, libtii iyo guushiina waxaa la hoyday Sayid Maxamed iyo raggiisii.  Swaynekii wacadka ku maray inuu Daraawiish cidhibtirayo ilbay xabadi kasoo tuurtay oo gorof noqotay.  Beerdhiga ka dibna Soomaalidu, wax ka naanaysi ogee, waxay ninkaa ku naanaystay Swayne Cawar.  Ka xaabxaabi waxa kaa tif lihi, waa xinjiro dhiige.[3]

 

Guushaa ay Daraawiishi hanatay ayaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan gaadhay.  Aadbaa loogu farxay Soomaalidaa sanka jabisay shisheeyaha doolaalo dhaafka ah, gardarro iyo daandaansigana ka dayn waayey Daraawiish.  Tolalkii Soomaaliyeed ayaa tarab-tarab taageero iyo tahniyad wada socota uga timid.  Boqor Cismaankii Majeerteen ee gobolka Bari fadhiyey ayaa ka mid ahaa ragga dagaalkaa ka dib Daraawiish dhinaceeda usoo yara dunmay.  Wuxuu soo diray sahan, hub iyo saad birmad iyo xoojin ahna wuu soo raaciyey.  Lix iyo toban casho ka dib ayuu safarkaasi xaruntii Daraawiishta ku furay.  Si fiican ayey Daraawiishi usoo dhawaysay kolkii ay dib u ambabaxayeenna Sayidku geel iyo badeeco xoog leh ayuu siiyey.

 

Xuseen Maxamuud Faarax, Xuseen-dhiqle, oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta ee Daraawiishta ayuu Sayid Maxamed ka codsaday inuu safarka sagootiyo lana dardaarmo.  Haddaba wuxuu Xuseen-dhiqle tiriyey gabay nabadgelyeyn, duco, xog waran, dardaaran iyo soo jiidasho isugu jira.  Wuxuu yidhi:

 

×           Socdaaladatan joogow berraad, socod damcaysaane

×           Safaryahow salaama e haddaad, saaka naga guurto

×           Sagootigii iyo hadday, sooryo idin raacdo

×           Saraar yeelan meel siman bannaan, suudi iyo guure

×           Jidku waa sursuuree haddii, Eebbe idin saabsho

×           Sabadii baddii waxaad u dhixi, laba siddeedaade

×           Hadday idin salaamaan kuwii, sahanka dhawraayey

×           War haddii lagaa sugo adoo, daal la socon waayey

×           Sunne ma aha xaajaduye yey, idinka seeraarin

×           Abtiyaal sidaan idin fariyo, sawd yar naga geeya

×           Ku salaama boqorkii adduun, seegid bow darane

 

×           Gabay waa nin seegiyo nimuu, saabka kaga yaalle

×           Sikhilaa la mariyaa birtaan, soofe kicinayne

×           Waan kala sifeeyaa sidii, saayaqoo kale

×           Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay

×           Sawd kalena waa hadal yarood, sixi akhbaartiisa

 

×           Sallax Eerigooy maalintey, samaddu gaadootey

×           Sumuciyo jigraha maalintay, saanadu is dhaaftay

×           Saraakiisha maantuu tukuhu, saabka kaga joogay

×           Ee suuniyaalow Kufrigu, baqaha siigeeyey

×           Waa siin Illaahay wuxuu, gaalku noo sidaye

×           Ingiriis sidii loo galiyo, saxalka Iidoor ah

×           Sanbab dooxaniyo xiidmo sayan, sabar wixii yiilay

×           Saf dhanbaa la gawracay sidii, sadaqo Ciideede

×           Cawar waxaa surkii lagaga jaray, sulub dharaareede

×           Saddex aliflayaashaan gudnayn, sedatay naartiiye

 

×           Sumaciyo seefaha dabkiyo, saanadda aan taabnay

×           Tagoo seediyaal kaga warama, suuqa iyo xeebta

×           Ku sayaxa safkii Ferenji iyo, saaxirka kharaabay

×           Ku salaama boqorkii adduun, seegid baw darane

 

×           Sucdigaynu leenahay haddaan, anigu suureeyey

×           Sifadooda reer boqor haddaan, hadal kusii saydho

×           Nimanyahow sokeeyeynu nahay, saxar la’aaneede

×           Saalixiya diinteenu way, ina simaysaaye

×           Samaan iyo kalgacal Eebbahay, wuu na kala siine

×           Sayidkuna jeclaa idinka iyo, socotadiiniiye

×           Soomaali hadalkeedu yuu, suruq inoo yeelin.

_____________________________

 

Buuggii Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise (1976)

ayaan kasoo raray gabayga, taariikhdana ka tixraacay.

 


[1] Sayid Maxamed Cabdille Xasan

[2] Maxamed Cumar Dage

[3] Axmed Sheekh Jaamac

 

 

 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.