-
Nin Ibraahinow geeskan
bari, garani xaalkiisa
-
Haddii uu dagaal gacal
yidhaa, waw guntiyo xeydan
-
Guuldarriyo inuu ceeb
mutaa, waysu garab oole
-
Bal si aan tusaalooyin
gara, kuugu gada sheego
-
Goobjoog wixii dhacay ka
qorey, geeddi socodkeeni
-
Aan taariikhda guud
mare, gabaygan feenfeeno
-
Boqorkii galbeed iyo
sharqiba, gaadhay magaciisu
-
Gumeystaha adduunkiyo
ninkii, Yurub la guureeyey
-
Googoynti Barliin ninkii,
gobolki loo daayey
-
Rabbi baan gaboobine
ninkii, boqol gu’ noolaadey
-
Galabtuu cadhoodaa
ninkay, Xabashi guulaantay
-
Gabla loo sujuudiyo
waxay, rag u gurguurtaanba
-
Ninkuu gacanta saaraa
waxay, guul u noqotaaba
-
Nabsi guradka kibir
geedankiyo, geeda sare fuulka
-
Garta eexo waa wixi
Mansiga, gaday duqoodiiye
-
Eritriya inay gaar
tihiyo, gobanimow diidki
-
Oromadi garaac iyo
karbaash, gibil madoobaatay
-
Qotidii waxay badar
gureen, garabku naafoobey
-
Ogaadeenka geeluu lahaa,
gibirka loo oodey
-
Shucuubtaa gu’yaal iyo
gu’yaal, cadho guhaadootey
-
Ee ciilku gaawihi
madhnaa, buuxa gabi dhaafshay
-
Geerida horteed bay ku
ridi, maanu garaneyne
-
Ha gafaba nafluhu waa
yaqaan, gabi dhacleyntaase
-
Ha ku go’aba jeelkii
sidii, geesiyaal hore e
-
Inaan aaski galabtii cid
tagin, go’aha yaw sheega
-
Mingistihi dagaalkaa
galee, libin ku geeraarey
-
Dadweynihii gadoodee
xornimo, meel fog laga geeyey
-
Garanwaa waxay
goconayeen, si ay ku gaadhaane
-
Gacan adag wuxuu
beegsadoo, kuman gumaadaaba
-
Guutooyin Ruushoo
hubliyo, gaasas wada heegan
-
Gun la soo kidheystiyo
wuxuu, Kuuba galiyaaba
-
Haba joogto guul uu
dhashiyo, gacan sareynteeda
-
Car ha gaadho Casmara
haduu, kibir nin meel geeyo
-
Gole shacabku doortiyo
haddey, guurti talin weydo
-
Way sii gadoodaan
markaad, ganaf la jiidhaaye
-
Inaan gumucu aadmiga
bedelin, go’aha yaw sheega
-
Giir weyni iyo xoog
hadduu, giijin taladaada
-
Geeda weynidiisii Amiin,
galab ma luudeene
-
Wuxuu gananaf leeyiyo
wuxuu, shacabka guulaaba
-
Gadaafiyo wuxuu gabadh
rag dhalay, xumo u geystaaba
-
Meel dumarka gaadh laga
hayoon, gees la dhuganeynin
-
Gunba niman u haystaa
wixii, gibil madow oo dhan
-
Maantuu go’doon Carab ku
yahay, gacal la’aaneede
-
Isagaa dalkiisii
ganbiyey, gurubsi eedeede
-
Gurmad iyo in hiil loo
galiyo, garab warkii daaye
-
In gabaahiirtaa uu ku
dhiman, go’aha yaw sheega
-
Intaa gogoldhac waa
tusmiyo, guud u hadalkiiye
-
Ninka gurigii horayaa
mid kale, siini waa gacane
-
Gudaheena hoosiyo balaan,
gacalki faalleeyo
-
Gadhwadeenkii aan
taabacniyo, macallinkii geeskan
-
Waa labaatan guuradi
Siyaad, gu’gan la joogaaye
-
Guul iyo wuxuu libin
dhashiyo, horumarkaan gaadhnay
-
Dhanna gaabiskiyo
wiiqmadiyo, dib-u-gurkii muuqday
-
Labadaa inaan kala
gurraa, saw wax gar ah maaha
-
In qabiilku cudur guuna
yahay, go’iyo hooggeena
-
Googooyey oo shacbigu,
meel fog kala geeyey
-
Gomadaha dabrani waxa
xujuray, een la guran weynay
-
Inuu yahay guntii boogta
ee, guuldarrada keentay
-
Durba garayey geesigu
inaan, godad ku aasnaaye
-
Ha yeeshee go’ii waa
madhnaa, iilka loo galaye
-
Gabashada intuu laba
sabaan geedo, madax saarey
-
Wallee Golihii Sare waa
fadhiyey, dhawr gu’ dabadeede
-
Inay shacabku taa
garanayeen, go’aha yaw sheega
-
Garoomiyo jidkaa wada
goglanee, baal walbaba gaadha
-
Safarkaa la soo
gaabiyiyo, galabba meel jooga
-
Ummadaha sancada heer ka
galay, samada loo guuro
-
Aqoon bay ku gaadheen
cilmiga, dhaaxa gaamuraye
-
Bal inoo geddoodaa
hiigsado, shacabkan gurguurta
-
In tacliinta loo wada
guntado, laysu garab yaacye
-
Guddigii af Soomaaligiyo,
guurti taladeeda
-
Farta guri guddoonkii la
qorey, mudane waa guule
-
Garashada jahliga
wiiqeyoon, goyno cidhibtiisa
-
Gurmad iyo waxaan geedi
dheer, gibilka yuuqnaaba
-
Ololihii miyiga gaadhay
iyo, kureyga geel raaca
-
Ololihi guryaha loogu
dhigay, odeyga guurguurta
-
Gurdan raacii meel fogi
ma geyn, galalaftiisiye
-
Tayadii ma giigsamin
sidii, tirada guudkaaye
-
Ustaadkaan gunnada loo
qararay, reerka gelin deeqin
-
Gabankii sidee wax u
baraa, waa ninkaa gubane
-
Xiisaddii inuu soo galaa,
way gabaabsidaye
-
Shahaadadan ninkii gini
hayaa, gadan karaa maanta
-
Gundhaceedu waa kaadir
aan, hawsha garayneyne
-
Gaasiryaye inuu gudhay
cilmigi, go’aha yaw sheega
-
Gunta weel haddaan laga
unkamin, gadow adkaan waaye
-
Gobannimiyo ruux gaaja
qaba, waa ged kala dheere
-
Dhaqaaluhu intuu gaabis
yahay, guul la hanan waaye
-
Galley iyo hadhuudh noo
go’iyo, geeda midhahooda
-
Gool dibada loo
dhoofiyiyo, giiro wanankeeda
-
Kalluunkaa baddeenaa
gudban, buuxa gudhaeeda
-
Khayraadkeena gaaxsani
inaan, guranno yoolkiise
-
Gabbal dhaciyo waa bari
khudbado, lala galiilyoodey
-
Gu’yaashaa cusbaa waa
isagii, gooha laasimaye
-
Guubaabadiisiyo hankaa,
wadarba loo guuxye
-
Garri iyo gurbaan iyo
ammaan, lagu galaydhyeeye
-
Guclihii hongow iyo
hirkaan, gaadh lahayn shalaye
-
Garow iyo gasiin noo
baxoon, guranna beenowye
-
Bariis doolar lagu soo
gediyo, gini la soo deyntay
-
Guduudey galbeed laga
baryiyo, gacanta loo hoorsho
-
Dib-u-guurka dhacay
ceebahaa, saaran guradeenna
-
Gadaafooyin dheer
baa jiroo, gubaya laabtiiye
101.
Hantideeni guud daakhliga, qaranka soo gaadha
102.
Sharcigii ku gaarraan jiriyo, gaadhyaha eega
103.
Xil u gaar ah ooy gudan karaan, ruuxba garan waaye
104.
Nin waliba godkii uu fadhiyey, gurey intii tiile
105.
Gacan dhaafka goorada sariyo, kaaga yimid guudka
106.
Gunta seed gufeys ugu xidhaa, saw ku guban meysid
107.
Garbo siman dadweynihii ahaa, maanta kala guurye
108.
Markuu qaar gofane naaxay yahay, gaajo qaar godaye
109.
Kuwa gacan togleeyaa markay, war ula guureyni
110.
Inay qaarka goomani arkaan, go’aha yaw sheega
111.
Caafimaad geddiisaba la daa, dhawr gu’yoo tagaye
112.
Cisbitaaladii guudi waa, meel galgalineede
113.
Gurmad iyo alaab loo gadiyo, daawo laga guurye
114.
Laydhkii ka go’an oo biyuhu, galin ma joogaane
115.
Takhtarkii ma soo galo shaqada, goorti loo qoraye
116.
Ninba goob yaroo ganacsata ah, galabtii loo aadye
117.
Marka dibadda qaar gooshayaan, geed markay xigato
118.
Qaar baa sariirtii ku go’ay, guri dhexdiisiiye
119.
Inay gacalka xiga ciil gubteen, go’aha yaw sheega
120.
Geeshkuu abaabulay colkii, guulay dariskoo dhan
121.
Inuu shacabkan googa’an midnimo, goob isugu geeyo
122.
Ciidnakii gu’yaal iyo gu’yaal, loo carbiyey guusha
123.
Gaatan socodka xeel loo gabado, gaadistiyo shiishka
124.
Gurdan raaca gaardiga ruclaha, geeddan socodkooda
125.
Ciidankii Galbeed iyo Sharqiba, tababar loo geeyey
126.
Ciidankii markay geylamaan, fiintu gama diidey
127.
Ciidankii habeen qudha ganbiyey, Xabashi geeshkeedi
128.
Iyo maanta goobtuu habsaday, guuldarrada haysa
129.
Sida loo gabbaanaday nin ogi, ciil gondaha ruugye
130.
Marka geesigii lagu bedelay, guulwadiyo daacad
131.
Garaadaha Islaan laga gurtiyo, eexda kala geysey
132.
Markay qaar garabaha buuxsadeen, gooman badidoode
133.
Tusbax go’ay inuu Geeshkii yahay, go’aha yaw sheega
134.
Afka beesha layskuma gashee, waad ku gubataaye
135.
Shacabkaa la kala geeyey iyo, gacalka eedoobay
136.
Nabaddii gabaabsidey gayiga, gabi ahaantiisa
137.
Gawaadhidu war guban wadaan, geeri iyo hooge
138.
Afartiisa geesood dalkii, la isku guulaanye
139.
Budhcad yari halkay goosataa, loogu gali waaye
140.
Guuxa Xamar ku jira wuu hayaa, Gaalkacyiyo Bay e
141.
Gadoodkii Woqooyi jirey u gudub, Gediyo Dhoobley e
142.
Dabka gobol ka soo bixi hayaa, gaatan socodkiisa
143.
Inuu Xarunta soo gaadhayaa, go’ah yaw sheega
144.
Qarankaa garwaaxsaday dalkaa, gabi ka laadlaada
145.
Guulamo dhiigliyo anoo garan, wax soo muuqda
146.
xaggeed galabta aadaa anoo, gama’ lileyn waayey
147.
Gardarrada wuxuu Ina Shabeel, godobta ii taaran
148.
Wuxuu iigu goodinihayaa, iga gab weeyaane
149.
Eedda gaaxsantaa marbay, ganac dillaacdaaye
150.
Godka aad qodeysaa abtoow, gurubsigaa eedda
151.
Gunta hoos u dheeree, ninkii gala u joognee
|