Home

Muxuu cay dameer igaga dhimi weyska ciyayaaye!     

                                                

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qasdigayga gaarka ahi wuxuu ahaa inaanan u jawaabin waxmagaratada, hadaladooda yaqyaqsiga ah ee ujeedo iyo kajeedo toona aan lahayna aanan habayaraatee wax waqti ah ku luminin.  Marse haddii aan helay fariimo badan oo xidhiidh ah, qof walbana inaan gooni ugu jawaabo ay adag tahay, waxaan doormooday inaan dhawr xidhmo oo malagood galay idin soo gaadhsiiyo. 

Qormadan kolkaad akhrinayso, ha u qaadanin inaan u afcelinayo qolyahan ay casabiyadda sarqaansani indha duubtay, qabyaaladii Soomaali dullaysay iyo suugaanta afshaxanada qaaliga ahi ummadda uga tageenna gorradda isu galiyey.  Maxaa yeelay isma qabano duulkan, noomana qalmaan, waanuna quudhsanaa arigtidooda foorarta.  Wuxuu qoraalkani ku wajahan yahay akhristayaasha sharafta leh ee garaadkoodu xunta iyo samaanta kala aqoon ogyahay. 

 

Waxaan jeclahay inaan hadalkayga gundhig uga dhigo caddayn kooban.  Waxaan sugayaa, waa marka horee, abwaanada Soomaaliyeed ee Illaahay hibada u siiyey hal-abuurka inaan si siman u ixtiraamayo oo aanaan midkoodna haybta ayuu iga durugsan yahay awgeed u jaa’ifaynin.  Inta nooli salaan sharaf ayey iga mudan yihiin, inta mootanna inaan soo aakharotoosinno, sida kuwan hadhka cad riyoonaya, waa daciifnimo.  Allaw u naxariiso waxaan ahayn igama fishid. 

 

Waxaa kale oo gundhig qoraalkayga u ah inaanan qoysna ku aflagaadaynin, oo dunuubta ay daa’imadaa dabciga ka aradani xaafadaha kale taaranayso ula dhaqmo  sida ay tahay oo ah lug geed ku marasho iyo nin daad qaaday xunbo cuskay.

 

Intaa haddii aan liqsiino, gabayadii Maxamuud Axmed Cali Bidhiidh eeHaddaan dhimano geeridu, kolbay nolosha dhaantaaye” iyo Murwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta iyo dhawr kale markaan soo qornay ayaa waxay duulkani billaabeen durbaan dhiilo iyo cay wada socota.  Waxay dhawr bilood u balan qaadayeen akhristayaashooda in ay baadhis ku jiraan oo ay xaqiiqooyin iyo arimo culus oo biyo-kama-dhibcaan ah soo wadaan.  Hadii in muddo ah la sugay, waxay baadhis ku sheegtoodii noqotay caraatan iyo nijaaso ay ku saydhaan abwaano badan oo sharaf leh oo uu Cabdullaahi Dhoodaan ka mid yahay.  "Doqon dharagtay waa lagu yaqaan, daaca-qudhunkaase" ayuu Cumar Fakad waa horre ku sifeeyey Cali Banfis.  Sidaa oo kale laba qodob oo kooban ayaan qadafkooda ka leeyahay.

 

1) Suugaanta iyo taariikhda Soomaaliyeed midna qoraal dhawrsoon oo loo noqdo haddii arin la saari waayo ma lahayn muddo gaaban ka hor.  qoraalada iyo uruurinta dhawaan la sameeyey, badankoodu inkasta oo ay fiican yihiin, waxaa ku jira qaybo cadho iyo sad bursi ku dhisan.  Dadka dhaqankan iyo suugaantan ku abtirsadaayi waa dad weedh afka laga yidhi oo kaliya ku gudbiya waayaha taariikhda. Suugaantaa sida hadalka ah loo gudbiyaayi  waa shayga ugu qaalisan ee Soomaalidu dhaqato asal iyo faracba.  Haddii qoraal soo jireen ah oo uruuriya, gabay iyo geeraar walbana sajila la waayey, ummaddaa aan xishoon, cuqdadaysan, salka-fudud ay majaraha u qabtaan, waxay suugaantii Soomaaliyeed u degantay in hadba siday doonaan ay u dacal-faruuraan siddii hammigooda iyo damacooda gurracan waafaqsanna ay u qiyaas-dhigaan.

 

Waxaan maqli jiray habar dhali weydayi aleelaysatay.  Gabayada Bidhiidh markay arkeen  ayey ku wareegaysatay hebel baa qaba inuu Salaan yidhi, iyo Muuse Galaal iyo Yawle ayaa sidaa qaba iyo wax muhiimadii aan ka hadlaynayba dabamarsan.  Ma waxay la tahay inaanaan arag in nimankaasi iyo kuwa kalaba qabaan sidaa?  Geel markii loo heeso inay goroyo u heesto waa lagu yaqaane, waxaan leenahay kuwa sidaa qaba ama xaajiyo ha ahaadeen ama mashaa’ikh daahirtay ha ahaadeene way khaldan yihiin.  Gabayadaa Bidhiidh ayaa tiriyey, muddo qarni ku dhaw ayaana si xaaraan ah rag kale loogu sheegayey. Haatanse haddii aanay caddayn kale haynin kuwii horay raggaa kale ugu sheegay warkoodu shaqayn mahayo, maxaa yeelay war la qabaa xiiso ma leh

 

Inay caytamaan oo qofkii war sidaa ma aha yidhaahdaba ay nijaaso huwiyaan waxay daliil qaawan u tahay inay laf cad toobin ku hayaan.  Maxaa yeelay haddii ay xaqiiqo hayaan si dhib yar ayey usoo gudbin lahaydeen iyadoon is xiijin, Soomaali badhkeedna aan aflagaadaynin .  Hadalkuba maadama oo uu khasaaro ku yahay, intaa ayaan kusoo koobay qodobkan.

 

2)  Boqorka Dhoodaan ah inay aflagaadeeyaan inkasta oo ay u garaadxumo tahay, haddana anigu shaqsi ahaan ma baciidsanin, maxaa yeelay horaybay sheekh iyo shariifba afka lucluca ah ula gaadheen.  Sheekh iyo Shariif daayee waxaa  aslanba nijaastooda iyo caraatankooda ka baxsan la' Alle (sw) iyo Rasuulkiisa (nnkha.)  Boqorka gabayga ee geyiga Soomaaliyeed oo dhan magaciisu sida shamsada u hadheeyey, aabihii abwaanada, macallinkii mu'allifiinta, gabay markii ninka Soomaaliyeed qalbigiisa kusoo dhaco waxaa la mataan ah oo qalbigiisa sidoo kale kusoo dhaca magaca Dhoodaan.  Hal gabay oo uu tiriyo Dhoodaan ayaa ka qiimo badan 55 heesood oo ay tiriyaan kuwa abwaano cadaystay la ah.  Heesaa iyo gabayaa inay kala garanwaayaanse waa caadadood ee ceebtood ma aha. 

 

Maanta Macallin Dhoodaan ayey Soomaalida miyirka qabtaayi u qirsan tahay inuu maansada calanka u sido. Xilligiisii Wiil Waal baa hormuud u ahaa oo afkiisa la dhawri jiray.  Raage Ugaas ayaa bacrimiyey oo sharciyada u dajiyey xilligiisiina aan cid isku dhererisaa jirin.  Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Qamaan Bulxan Yuusuf ayaa qarnigii tagayna Rabbi usoo saaray oo lagu daba tukun jiray, maanso oo dhanna sacabka loogu tumay.  Mar haddii aysan liisto raggaas oo kale u horeeyo keeni karin “muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyaaye.” in lagu yidhaahdo saw munaasabkood ma aha? 

 

Dhoodaan inuu abwaan gaamuray yahay waxaa u dheer inuu taariikhda, hiddaha, iyo dhaqanka Soomaaliyeedba aqoontiisa meel cidla ah u taagan yahay.  Dhacdo walba oo taariikhi ah oo aad wax ka weydiiso Macallin Dhoodaan si dhib yar ayuu kuugu dhildhilayaa.  Dadka qaarkiise waxay la mid yihiin siddii abwaankii Soomaaliyeed ku tilmaamay "Doorshaanka wuu uga daraa, duxa baraafuune."  Maxay daalacuurtani ka garanaysaa qiimaha ay tayooyinkaasi leeyihiin!

 

Maadaama oo aan  Dhoodaan tacriif iyo inaan Soomaali barro u baahnayn, taariikhdiisa, xikmadiisa, iyo abwaanimadiisuna ay tahay “macluum bi daruura” ama wax habar walba fadhigeeda kula socoto, inaan la walaaqdo oo aan abwaan miskiin ah oo aan waxba iga galin ama qoys Soomaaliyeed qadfana aanan u jeedin, intaa ayaan qodobkaana ku soo koobay.

 

"Daayayeese mid kaloo ka daran, bal aan idiin duubo." Dakanadaa laga galayo gabayga iyo suugaantaa magaceeda la dilayo si aan xaal degdega ugu diro waxaan u leexanayaa qodobo kale oo tooshka ku ifinaya deelqaafyo badan.  Kashkaash ahaan bal aan sheeko yar ugu horraysiiyo. 

 

Abwaan Soomaaliyeed oo Reer Kenya ah ayaa Sudan u safray. Meel xadka Kenya iyo Sudan kala qaybiya ah markii uu sii marayo ayuu wuxuu ka dul dhacay Soomaali halkaa makhaayadi uga shidan tahay.  Fadhiisay oo koob iyo laba midkood ku dhufay.  Intuu fadhiyey ee shaahayey ayaa ishiisu waxay qabatay nin rag door ahi ku gadaaman yahay oo afkiisa la dhawrayo.  Haddii uu hadalkii ninka dhagta u raariciyey wuxuu xaqiiqsaday in ninku gabyayo.   

 

Ku lahaa:

 

-        Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
-        Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
-        Iihdayda bixibaa libaax, iman lamoodaaye 
-    ...
-        Ninka illo biyaleh soo maree, ooman baan ahaye  
-        Ninka ooridiisii nin kale, loo igdhaan ahaye
 
Halkaa markuu marayo ayuu ka booday meeriska kaa xigga oo wuxuu u booday  kan dhamaadka 
gabayga ah:
 
-         Afdhabaandhow aayar ninkaa, aamusaan ahaye
 
"Dee barigii kalana waa anigii sidaa idhi" ayuu kusoo afjaray.  Abwaankii masaafurka ahaa oo gabaygan iyo
taariikhdiisa oo dhan xafidsan oo aad ula yaaban ninka iyo macno yaraantiisa ayaa yidhi "adeer, gabaygaa
cajiibka ah ma adigaa tiriyey?  “Dee haayoo anigaa tiriyey” ayuu ku jawaabay.  "Oo adeer, xaggeed ka mari
doontaa: Nin abkii Ogaadeen yahoo, aarsan baan ahaye?”  ayuu weydiiyey.  Ninkii ragga badani u rigaysnaa  
ayaa aad u naxay oo sidii jiis la qabtay oo kale noqday.  Wuxuu isku daray “Naw, waar nimankii gabayga 
lahaa baa yimi.” iyo sarajoogsi uu kabihiisii halhaleel u qaato si uu u indha qarsado. 
(Guji halkan oo akhri gabayga Raage).  Nuxudhka sheekadani mar dhaw ayuu daahir kuu noqon doonaa.
 

Sidaan korba ku sheegay xubno badan oo kamid ah akhristayaasha/dhagaystayaasha doollo.com ayaa waxaan si isdabajoog ah uga helnay fariimo ay nagu weydiinayaa inaan jawaab ka bixino aflagaadada loogu diiqayo suugaanta iyo ehelkeeda sharafta leh.  Waxay akhristayaasha qaarkood farta ku fiiqeen khaladyo badan oo suugaanta si ula kac ah looga galay.  Horay bay Soomaaliyi u tidhi ri gawracani geedo kama gudo ee, marka laga tago caraatanka macnodarada ah, waxay akhristayaashu soo bandhigeen suugaan badan oo la fadhataystay.  Waxaa kale oo uu horay Macallinkii Abwaanadu - Macallin Dhoodaan - ugu sifeeyey nin uu aad ula yaabay dood xumadiisa sidan hoose:

 

    -           Ma qanciyo wax kama quustihii, qaayo kale seegay

    -           Ma qumani qudhayduba haddaan, kaa qalooc bido e (Dhagayso) (Akhri)


Aniga oo aan aad ula yaabanayn duulkan muqlaysan iyo cantarabaqashkooda midna, maxaa yeelay wax lagu yaqaanay ayey lasoo shirtageen, ayaa waxaan kaaga soo xulay fariimihii ay akhristayaashu iisoo dalwiyeen dhawr tusaale oo ku tusaya suugaantan ay isku dayayaan inay dhabar-garaacdaan.  Waxaa kamid ah:

 

-     Geeluba ugaasooy hadduu, ayda miranaayo

-     Abeerkiisa naaxiyo hadduu, aaranku is waayo

-     Isaguba ma kala aamusee, waysu ololaaye

-     Haddaan ina adeereey ku idhi, sowma urugootid

 

Waxaan aad ugu qoslay meerisyadaa kore oo Soomaali yar iyo weynba og tahay in Raage Ugaas yidhi oo si ka fiirsasho la’aan ah Cabdi Gahaydh loogu saariyey: (Guji halkan) Raage Ugaas hal-ku-dhegiisa eeg.

 

-     Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku weydaaye

-     Qaabiilba Haabiil markuu, qoonsaduu dilaye

 

Meerisyadaa kore ee Raage Ugaas oo qisadii Raage iyo Faarax Wiil Waal dhexmartay ku jirtay oo Ayax Dhawre lagu nabay.  Mindhaa waxay idaacadda ka dhagaysteen gabaygii kale ee Ayax Dhawre ee ay ka midka ahayd “Qabkaad mudug la joogtaan, rag waa isku qatalmaysaane… waa qeydar law kaaga go’an, talada qaarkeede.”

(Guji halkan:  Raage Ugaas)                                     (Guji halkan:  Ayax Dhawre)

 

-     Hooyaalayey gabyga way, ugu horeysaayee

-     Halla uma tartee maansadaa, lagu hagaajaayee

 

Xishood daridooda waxay is leeyihiin meerisyadaa kore ee habar walba jiifkeeda ku og tahay in Raage Ugaas ku qotamiyey dhidibada gabayga dhawr qarni ka hor badala oo waxaad ka dhigtaan mid aad dhawaan ku sheegtaan qof kale.  (Guji halkan)  oo eeg qodobka saddexaad.  Sidan hoose ayey u qoreen iyagoo is leh garab dhiga tii Raage. 

 

      -           Hooyaalayeey gabayga, way ugu horraysaaye
      -           Halna kuma tartee maansaday, soo hirgelisaaye   

  ______

      -           Lix meeshaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada

-           Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha

 

Cali Oday tixdiisii oo ay iyana damceen inay far iyo suul ku qaadaan si ay ugu sheegaan Faarax Nuur.  Waxaase iyana wax lagu qoslo ah in ay aaminsan yihiin in Faarax Nuur isla dhacdadaa ka yidhi sidan:

 

-     Kun la dirira idinkoo kontanna, waydun kaafiyi

-     Kurkaa sare haddii laydin jaro, kubabka meermeersha

 

Ceeb bay ku tahay abwaanka faariska ah sida Faarax Nuur inuu hal dhacdo laba tixood oo isku macno ah iskuna tarkiib ah xarafka u kala badalo oo uu isku xilli tiriyo.  Abwaanka way hafrayaan oo sumcadiisa wanaagsan wasakhaynayaa intay leeyihiin wax u tara. (Guji halkan)

 

     -      Allahayoow Ferenjigii muxuu, nacas fariideeyey

     -      Faa'iido laawiyo  nin ragga muxuu, feyl ka wada yeedhshay

     -      Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray

 

Tixdaa kore ee Sayid Maxamed oo ay ku sheegeen nin ay ugu yeedheen Saalax Lay Diray.  Inkasta oo aanan mar qudha sheegan inaan abwaanada Soomaaliyeed oo dhan magacyadooda koobay, haddana waxaan is weydiiyey war tolow maxay kuwa magacyadooda la yar maqmaqlay ugu sheegi waayeen koleyba haddii ay ninkii yidhi nin aan ahayn u boolyayaan? (Guji halkan oo eeg halqabsiga sayidka

 

-     Nin ambaday halkuu aaday, way ula ekoonayde

-     Anigoo arkaayaan wadadii, eerigoo maraye

 

Meerisyadaa kore oo Axmed Dirir Nuur Aadan yidhi oo lagu sheegay Maxamuud Qaloonbi.  (Guji halkan) 

 

-     Ha karaama seegina habaar, laygu kari waaye

 

Meerisyadaa ee caanka ah ee Aadan Carab oo Faarax Nuur la huwiyey siddii iyadoo Faarax Nuur u baahan yahay in tix ama laba loo xado

 

-     Allaahu Akbar eedaanku waa, kaa afkiyo beene

-     Ashahaaday gaalkubase, waa ehelu naarkiiye

 

Meerisyadaa kore oo cid walba og tahay inay ugu horaysay gabaygii Cali-dhuux Sayidka u mariyey Sayidkuna kaga jawaabay gabayga hal-ku-dhegiisu noqday Ogaadeen haddaan ahay dad, waw amar sareeyaaye oo Cali Jaamac Habiil lagu sheegay (Guji halkan)

 

-     Waa lagu digtaa ruux hadduu, kuu darraan jiraye

-     Bal dayaay wadaadkii, hadduu sii dabayshadaye

 

Meerisyadaa kore ee Cali-dhuux oo mar kale si aan raadgadasho lahayn loogu sheegay in Cali Jaamac Habiil yidhi.  Beydka ah 'waa lagu digtaa ruux hadduu, kuu darraan jiraye' Cali Dhuux qudhiisu wuxuu ka bogdooxay gabaygii Dubad Hiirad ee caanka ahaa. (Guji halkan)

 

-     Ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado

 

Waxaa iyana wax lagu qoslo ah beydkaa kore ee Ismaaciil Mire oo ay damacsan yihiin inay dadka ka gadaan in Faarax Nuur yidhi.  War duulku saw ma sariigto! (Guji halkan oo dhagayso)   (Guji halkan oo akhri)

 

-     Shimbir duulis badanoow haddaad, degi aqoon weydo

-     Mar unbaad libaax labadii daan, dalaq tidhaahdaaye

-     Iney edebtu shay doora tahay, yaan isaga daayey

 

Meerisyadaa kore oo Faarax Xuseen Sharmarke gabaygiisii 16 Hal ku jirtay oo ay Cali-dhuux Aadan ku rareen (Guji halkan)

 

Qisadii weysha ee Guure Dulyar iyo Ina Mataan oo aan horay si dhamaystiran idiinku soo gudbinay oo ay beydad gabaygii Guure ka mid ah Cali-dhuux ku sheegeen.  (Guji halkan) oo akhri.

 

Gabayadii isu ekaa ee Cali Oday iyo Faarax Nuur oo ay si miyirdiin ku jiro isagu car iyo bay gooyeen.  (Guji halkan) oo dhagayso.

 

Markii aan tusaalayashaa akhriyey ayaan waxaa soo xusuustay murtidii Soomaaliyeed ee odhan jirtay waraabe ayaa waxaa la waydiiyey "war waraabe, caano ma taqaanaa?"  Haayoo caano waan aaqaanaa ayuu ku jawaabay. Oo maxay yihiin ayaa lagu celiyey?  Waa waxa madow ee habeenkii muska la isaga dhiibo ayuu ku jawaabay.  Waraabe isagoo miscilisha ku gabbanaya oo sugaya inuu saqdhexe soo dhaco ayunbuu wuxuu had iyo goor arkaa shay madoow oo laga sii wado xerada.  Erayga caanana shaw dhawrgoor ayuu dhagihiisa kusoo dhacay.  Haddaba caano waxaa Waraabaha u ah bidhahaa madow. 

 

Akhristooy, ha la yaabin haddii meeris kasta oo halqabsi gala qolyahani ay ku sheegaan nin ay isku xaafad yihiin maxaa yeelay waa waxmagarato qalbiga dhaawac ka ah oo buka, indho iyo dhago aan ahayn nimankaa ay hafrayaana ma leh sida waraabahaa aan kor kusoo qaadanay.  Odaygii indhoolaha noqday ee Bakayle see ka yahay laga soo tabiyey ma  xusuusatay?  Qalbigaa dhaawaca ah  ayaa keenay in aabihii gabayga Soomaaliyeed, Raage Ugaas, tixihiisii mashriq iyo maqribba gaadhay hebelo kale lagu camcamiyo.  Damacaa beenoobay ee burburay ayaa keenay in labadii mujaahid, Sayid Maxamed iyo Ismaaciil Mire, gabayadoodii la sarifto oo inba nin kale lagu sheego.  Hawodaa gaaban ee gabbalku ka dhacay ayaa ku kaliftay inay Cali Oday iyo Faarax Nuur u kala eexdaan oo gabayadoodii nuxudhka lahaa isku qulbaan.

 

Bal isweydiiyoo, Faarax Nuur muxuu uga baahan yahay in gabayadii Cali Oday ama Ismaaciil Mire loo soo xado?  Cali Jaamac Habiilna muxuu kuwii Cali-dhuux uga baahan yahay?  Ama muxuu Cali-dhuux kuwii Faarax Xuseen uga baahan yahay?  Jawaabtu waa waxba ee duulkan ayey suugaantii ku qalloocatay, xishoodkii iyo kaadsashadiina tuuray, inay dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed kufsadaanna garasho dheeri iyo fariidnimo mooday. Waxaan hubaa haddii abwaanadani noolaan lahaayeen inaysan gacan waxaan ahayn kaga ciil baxeen duulkan jahawareersan.

 

Mar kale isweydiiyoo, miyeysan garaadka qofka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed gef ku ahayn in taariikh iyo suugaan marag ma doonta ah maalinba hirrig cidla ah lagu jeexo oo nin gabayadiisiiba ciiddaa yihiin beyd iyo laba midkood loo soo amaahdo?  Wakhti intee la eg ayeyse ku qaadan doontaa inay qolyahani khaladkooda arkaan oo intay shaydaanka iska naaraan ay si xasarad la'aan ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed uga tarjumaan?

 

Miyuuna waxtarka ugu weyn ee aan Sayid Maxamed, Salaan, Bidhiidh, Faarax Nuur, Ismaaciil Mire iyo abwaan walba u qaban karaa ahayn inaan murtidoodii si daacad ah oo xalaalmiirad ah u keydino, hafaryada raqiiska ah ee aan meella gaadhayna aan ka dayno?  Miyuusan Maxamuud Ararsame, abwaankii murtida maguurtada ah ka tagay muddo hore ku dardaarmin:

 

     -     Waxaadan  lahayn wiilkaygoow, laguma waynaado

     -     Waxaad waaayo maashaba nin laa, weel isugu gaysta

 

Dareen-jiitayaalkaa kore waxaan ka soo xulay fariimihii aad ii soo dirteen.  Waxaa kale oo jira kuwa badan oo aan ka wahsaday soo dhexmarkooda.  Sidaa awgeed, ha u qaadanin in ay intaa ku gaabsadeen.  Nijaaso iyo cuqdad maarowday ayaa qalbigooda buuxisay.  Waxaan u soo qaatay intaa kore tusaale ahaan oo kaliya.    

 

Haddii ay qoraalkaa yar ee miskiinka ah waxba ku qaadan weydo waxaanu fillaaba waxaa weeye inay  dhawaan soo qaddimaan ileen waano abuur baa ka horeeyee:

 

-  Muslinow bal maqal xaajadaas, layku malaq siiyay: Dhoodaan baa yidhi

-  Ogaadeen damiin kama dhigtee, yaw dirsaday hawsha: Sayid Maxamed baa yidhi

-  Iimaankiiba kaa tageye, toosi luquntaada: Ismaaciil Miraa yidhi

-  Waa maadays aduunyadu, dadkuna way matalayaan: Xaynoosh Sanqoolaa alifay

-  Nina gabay ayey kama dhaxlee, odayo maw sheegtay:  Raage Ugaas baa yidhi

-  Siddii koortii Yucub oo la sudhay, koromo buubaal ah:  Yuusuf Dheeraa yidhi

-  Uma baran bahday iyo, inaan bi'iyo Daaroode: Khaliif Sheekh Maxamud baa yidhi

-  Kobna kama duleelaa la yidhi, wuuna ku arkaaye:  Magan Dabamar baa yidhi

 

 Nabadeey ;)

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub