Waa gabay ka mid ah gabayadii ay
isdhaafsadeen Fakad
iyo raggii la safnaa ee Ogaadeen iyo kuwii Isaaq 1980aadkii.
Gabaygu wuu dheeryahay markuuse meel dambe marayo ayuu
labakaclaynayaa oo uu isu rogoyaa geeraar. Wuxuu gabaygani
jawaab toos ah u yahay mid uu tiriyey nin la yidhaahdo Dheeg oo
Ciidagale ah. Gabaygaa wuxuu Dheeg ku leeyahay dalkaba
annaggaa leh, Soomaali oo dhanna wuu jaa'ifaynayaa. Madaxdii
Jamhuuriyadda maamulaysay kuwoodii ugu sarreeyey sida Maxamed Siyaad,
Maxamed Cali Samatar iyo maamulkii Waqooyi Galbeed sida Salxaan iyo
cid walba waxbuu saa ugu daadinayaa. Gabayga Dheeg waxaa
kamid ahaa meerisyadan:
-
Dir iyo Irir
baanu nahay labada daamoode
-
Dabatada faraha
dheer leh iyo Diini iyo Boontu
-
Meeshay kasoo
dalabsadeen yeyga degi wayday.
Haddaba Fakad
ayaa gabaygan hoose ugu jawaabay.
Wuxuu yidhi:
-
Waayadan
daliilkii wagliyo, daayey gabaygiiye
-
Kolba aniga oo
diidanbaa, duul i kiciyaaye
-
Dibnahayga
goortaan xidheey, damalo oogaane
-
Dab munaafaq
shiday wuxuu gubaa, mu’min daacad ahe
-
Abidkay dagaal
waxaygu odhan, deris ma ceebayne
-
Degenaansho waw
leenahiyo, dul iyo iimaane
-
Hayeeshee
dakanadayda, waan daba galaayaaye
-
Maantana war bay
soo direen, Doxorkii Iidoore
-
Doc-ka-yeedhka
hadalkoodii baa, soo dabayshadaye
-
Iyagoon dalkaba
jooginbay, doonayaan libine
-
Dulligaa Isaaq
waxaa ka dhigay, dawlad caasiga e
-
Intay gaalo
dabaroorayeen, madhay dadkoodiiye
-
Dibba wax uma
sii fiiriyaan, duulka waalanuye
-
Waa niman
daroogiyo khamrigu, diiqad galiyeene
-
Waa niman
dareenkii ka lumayoon, dawo lahayne
-
Waxa Dheeg
daluumaha ka riday, waa damiinimo e
-
Malaha wuu
deyeysnaa markuu, duubay heesaha e
-
Dawarsiga
shisheeyaha kaliyo, doolarkaa hodaye
-
Doqon dharagtay
waa lagu yaqaan, daaca qudhunkaase
-
Doolliga
firxadayow inaan, dabino kuu qoolay
-
Ood dalaq ku
odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane
-
Intii aan
dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta
-
Kolba dawdar
waalani af-xumo, hayska diixsado e
-
Dacaayadaha ha u
faafiyeen, dunida qaarkeede
-
Daba-dhilifka
Ruush iyo Amxaar, ha u durbaan tumo e
-
Duulkooda soo
hadhay safraha, hayska didiyeene
-
Dariiqyada intay
joogsadaan, duurka iyo hawdka
-
Danbiil naagi ay
sidato iyo…………………………….
-
...
-
Dooliga
firxadayow inaan, dabino kuu qoolay
-
Ood dalaq ku
odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane
-
Intii aan
dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta
-
Afartaa wax
layskuma daree, dirato maw sheegay
-
Ma daleeyey
maansada intaan, diiradda u eegay
-
Dulucdiyo
ujeedada anoon, dacal is weydaarin
-
Wali doodu way
furan tahaye, hayska sii durugto
-
War Dir haddii
aad tihiin amase Irir, ma aanan diideene
-
Dab qaraabo
idinkoon ahayn, haysku soo darine
-
Anigaaba kaa
diir xigoon, duray wadaagnaaye
-
Doonbiro dirkii
ay dhashayoo, duuban baa nahaye
-
Dad is raba
inaad kala dishaan, waa habeen dumaye
-
Adunbaase
dorraad nagu lahaa, duul kalaan ahaye
-
Durriyadaydun
noo sheegateen, diide maanatana e
-
Doolaaladii iyo
Shariif, duubte Caliyow e
-
Labadaada daan
iyo ilkuhu, way is durayaane
-
Ha dafirin duqii
iidin dhaliyo, dihashadii hooyo
-
Inaan doorsimaad
noogu timid, waa dariiq runahe
-
Dacaloon……….,
maanta waa kama dambaystiiye
-
Afartaa wax
layskuma daree, dirato maw sheegay
-
Ma daleeyey
maansada intaan, diiradda u eegay
-
Dulucdiyo
ujeedada anoon, dacal is weydaarin
-
Wali doodu way
furan tahaye, hayska sii durugto
-
Dirridii Libaax
Qawdhan iyo, dirirtii Buuhoodle
-
Haddii aan
dagaaladii ka dhacay, dib uga faaloodo
-
Darandoori
moogada tanaa, ooga sii darane
-
Dunta Habar
Jecliyo Ciidagale, dacatigii gaadhay
-
Daan Dhagax
dabaabadaha maray, dooxa kala jiidhay
-
Sacad Muusihii
doobyi jiray, diiqadiyo yuuska
-
Dumayeeyda
naagaha hayiyo, dumarka ooyaaya
-
Hablahiina ay
dixan ilmadu, dililiqlaynayso
-
Haddii aan
raggoodii la dilin, damac ma ooyeene
-
Asaydii u
diidiyo inaa, duubcad loo xidho e
-
Lafta daadsan
duumaha ka badan, duurka iyo geedka
-
Maydkaa
dafuufiyo bakhtiga, dogob sidii yaala
-
Dacuun miyaa
galay haddaan, diirradluhu leefin
-
Mise waad ku
digan reerahaan, daniba kaa haynin
-
Afartaa wax
layskuma daree, dirato maw sheegay
-
Ma daleeyey
maansada intaan, diiradda u eegay
-
Dulucdiyo
ujeedada anoon, dacal is weydaarin
-
Wali doodu way
furan tahaye, hayska sii durugto
-
War dalkaad
sheegan dooxyaha Nugaal, dagalka Laascaano
-
Dusha Caynabaad
iyo Burciyo, dixida Gaaroodi
-
Daaraha Taleex
iyo Sanaag, darafka Boosaaso
-
Dogob iyo
degmada Cabudqaaw, Doollo iyo Caado
-
Dusha Mudug
Dannood iyo Wardheer, Daaqatiyo Faafan
-
Dildilaaca
Jarareed halkay, dabac ka foofaysay
-
Dirri Sheekh
Xuseen Baali iyo, diilimahaa Adari
-
Qabri Dahare
daantaa Godey, dahabka Mooyaale
-
Dadabtaa Wajeer
NFD, Koonfur dabadeeda
-
Dalsankii
Kismaayo iyo Luuq, dawlad badanleyda
-
Durdurada
Shabeele iyo Gebi, tan iyo Daalooti
-
Intaasuu tolkay
daadsan yahay, kuna dakeeyaaye
-
Magaca aad
sheegi waa, dawlad xoog badane
-
War Darood ku
fuul kaama dago, daayin abidkaaye
-
Intaad dunida
nooshahay anunbaa, duudka kaa rarane
-
Dacay adag
waxaan kuugu xidhay, daalinbaad tahaye
-
Haddaan dabarka
kaa furi lahayn, amaanu kaa dayno
-
Duunyadii
waraabuhu cuniyo, daayacbaad noqone
-
Dalanbaabiyahow
meel xunbaad, dubuq tidhaahdaane
-
Nin Amxaaro
Daafida u karin, amase Doofaarka
-
Dabeecuu u
leeyahay Isaaq, gaalo daba jooge
-
Dillaal iyo
hunguri waa wixii, dilay awowgoode
-
Dalkay gadan
lahaayeen haddaan, laga deyrayne
-
Bal inaan
danbaabiyo inaan, run idin deeqsiiyey
-
Darwiishkiiba
waa kii lahaa, duulku waa nacabe
-
Aniguna dugaag
inay yihiin, waan kasoo digaye
-
Diiwaanka waxa
loogu dhigay, Dabacayuun eega
-
Dalkoo nabad ah
Soomaaliyoo, ul iyo diirkeed ah
-
Dab intay ku
oogaan qabiil, way ku dumiyaane
-
Dululaati baw
muuqda iyo, duul iblays wado e
-
Bal dab aabahood
la naar gali, Dabacayuun eega
-
Daqsi malagii
galay baa ku dhaca, daamur iyo beyle
-
Dabka Baalalay
waxa ku riday, waa diciifnimo e
-
Waa dawgal
Iidoor wuxuu, noo damaaciyeye
-
Bal dab aabahood
naar la gali, Dabacayuun eega
-
Daqsi malagii galay baa ku dhaca daamur iyo bayle
-
Dabka baalaleey waxa ku riday waa daciifnimo e
-
Waa dawgal Iidoor wuxuu noo damaaciyeye
-
Bal dab aabahood
naar la gali, Dabacayuun eega
-
Afartaa
daleeyeye waa dooda gabaygee
-
Dacwad kalana
maansada bal aan idin durduuree
-
War Daarood
Ismaaciil waa dawlad xoog lehe
-
War Daarood
Ismaaciil waa deyrka qarankee
-
War Daarood
Ismaaciil calankaa dugsanayee
-
War Daarood
Ismaaciil daba-dhilif ma raacee
-
War Daarood
Ismaaciil duli yeeli maayee
-
War Daarood
Ismaaciil dad ma kala xigtaystee
-
War Daarood
Ismaaciil ma danaysto kaligiiye
-
War Daarood
Ismaaciil geesi daadaheeyiyo
-
War Daarood
Ismaaciil diric kama dhamaadee
-
Daarood
Ismaaciil adunbaa ka dudayee
-
Daarood
Ismaaciil dariiqooda soo raac
-
Haddii kale
dameeryahow dulligaa ku noolow
Banfis I
Banfis
II
Yuusuf Colaad I
Yuusuf Colaad II
MakayteI
Makayte II
Makayte
III
Fakad
II
Fakad
III |