Qore: Sheekh
Xasan Maxamed Ibraahim
xasanyare@msn.com
Qaybtii 1aad
September 5, 2008.
Suugaanta ummadi leedahay waa hanti
ma guuraan ah oo la wadaago, waxayna diiwaan u tahay taariikhda iyo
soo jireenka ummaddaasi leedahay, waana weel uu ku jiro dhaqankeedu.
Qallooca iyo leexadka gala suugaanta wuxuu saameyn aad u weyn ku
leeyahay caqiidada, dhaqanka iyo luqadda ummaddaas. Sidaas daraadeed
waa lama huraan in la helo dadaal aan kala go’ laheyn oo ku wajahan
sidii turxaanta looga dhowri lahaa suugaanta, loogana ilaalin lahaa
inay isu beddasho boosto la inoo soo mariyo dhaqamada iyo
caqiidooyinka doolka ah, laguna dhalan rogo luqaddeenna hodanka ah.
Qormada aan
halkan ku soo bandhigaynaa waxay dabajoogtaa maqaal aan horay ugu
soo qoray
www.doollo.com
iyo rugo kale oo internetka ah oo cinwaankiisu ahaa
“Suugaanta Qafaalan
Qaabkee loo soo Dhiciyaa?” Maqaalkaasi wuxuu qayb ka ahaa birmad
aan damacsanaa in lagu cayni qabto suugaanta dibadyaalka u noqotay
is bariyeeyayaalka (reer bari iska dhigayaalka ama Mustashriqiinta)
iyo ardada ka aflaxday ee tubtoodii haysa, suugaantana ka dhigtay
hanti ay si gaar ah u leeyihiin oo ay mar ka ganacsadaan, marar
kalena ugu adeegaan ujeedooyinka iyo dhaqamada silloon ee la doonayo
in Soomaalida lagu marin habaabiyo.
Si dadkaas hororka ah looga difaaco
waxay suugaantu u baahan tahay in loo taago dhidibbo iyo tiirar aan
la dumin karin, iyo qawaacid la raaco oo ninka khilaafa ama
dhinacmara la ogaan karo inuu laaxin wado ama ujeeddo gurracan
leeyahay. Ninkaa waa in dawgiisa la mariyaa oo lagu suntaa inuu
beenaale gaboobay oo mardabaale ah yahay mar haddii uu xaajaxumada
joojin waayo. Markii loo digo ka dibna waa in loo aqoonsadaa nin
hadalkiisu uusan wax ka soo qaad lahayn.
Qawaacidda muhiimka ah ee aan
isleeyahay waa lama huraan in lagu saleeyo suugaanta Soomaalida si
looga dhowro khaladka iyo been-abuurka waxaa ka mid ah in suugaanta
loo abtiriyo. Waa in gabay walba ama eray suugaaneed kasta lagu
xidhiidhiyo ninkii curiyay. Haddaba, waxaan qormadan kusoo
qaadaneynaa qodobbo asaas u noqon kara abtirka suugaanta lagana duuli karo.
Maxaan ugu Abtirinaynaa Suugaanta?
Qofka aan abtir lahayn ama abtirkiisu aanu saxneyn waxay Soomaalidu
u taqaannaa wecel; sidaas daraadeed ma laha meel uu bulshada ka soo
galo oo aan aheyn haweenta aan sharafta lahayn ee garcatay. Sidaas
oo kale waxaa ah ama ka sii xagjira afkaarta iyo erey suugaaneedka
aan la garaneynin ciddii iska lahayd ama curisay. Arrimaha keenaya
in loo abtiriyo suugaanta waxaa ka mid ah:
1) In
laga badbaado in la inagu siro suugaan soo seexis ah ama been abuur
ah oo ka soo horjeedda dhaqankeenna oo la inooga dhigo mid ku
abtirsata dhaqanka bulshadeenna. Tusaale ahaan waxaa la wariyaa
gabayo fara badan oo lagu dicaayadeeyo Daraawiish, laguna duro
dhaqankeedii, suugaantaas oo la sheego in uu mariyay Sayid Maxamad
Cabdille Xasan. Waxaa ka mid ah tixda odhanaysa:
wab markaan ka siiyaa indhaha wahab ka duulaaye, ma
wareero mana waasho naxariisna waan kala wareegnaaye!
Meerisyadaa waxaa loola jeedo inuu Sayidku ama Daraawiishi khamrada
dhuuqi jirtay. Dhab ahaanna markii loo kuurgalay waxaa caddaatay in
tixdan baadida ah ay tiriyeen rag ka baxay dhaqankii toosnaa ee
Soomaalidu laheyd, kuna baloobay dhaqamadii gaalada. Waxaa si cad u
muuqata inay dhaqankaas silloon doonayeen inay ka dhigaan mid ka soo
jeeda Soomaalida gaar ahaan Daraawiish oo lagu yaqaannay inay
ahaayeen raggii gaalo-dabaqley ka quusiyay inay Soomaalida dhaqanguuriso ama dhulkeeda hantido. Baydadkaasi tixda ay ka tirsanyihiin
waa tusaale uun, waxaase jira suugaan badan oo noocaas ah oo loo
tiiriyo suugaanyahanno caan ah ama si wadar ahaaneedba loogu
nisbeeyo bulshada Soomaaliyeed oo haddana ay muuqato in lagu hafrayo
ujeeddaduna ay tahay in dhaqanka ay xambaarsantahay laga dhigo mid
Soomaali ka soo jeeda ama ku abtirsada. Si arintaas looga hortago
waa in suugaanta loo abtiriyaa oo la ogaadaa midda nasabka leh iyo
midda soo seexiska ah.
2)
In
la helo curiyaha eray suugaaneedka waxaa ku fududaan doona in la isu
uruuriyo diiwaanka gabayaa walba si gaar ah, waxaana sahlanaan
doonta xilligaas ka dib in la isbarbardhigo ama la tartansiiyo
maansayahanada, lana helo mid waliba meesha uu ku horreeyo. Taasi
waxay ku iman kartaa in la kala haybsooco suugaanta oo tix walba
ninkii mariyay lagu sunto si markaas la isugu uruuriyo intii uu isku
hal gabyaa leeyahay loona tirakoobo si wixii danbe ee gabayaagaas
loo tiiriyo loo helo meel laga tixraaci karo.
Sidaas
waxaa meesha kaga baxaya maansa booliga ama mushkiladda weyn ee ah
in nin maanso uu lahaa mid kale loo tiiriyo, taasoo xad gudub ku ah
xaqiiqada, gabyaaga dhab ahaan iska leh maansada, iyo kan loo
tiiriyay ee aan lahayn intaba, maxaa yeelay uma uu baahna in maanso
booli ah loo soo xado, sida uusan ugu bahnayn in xoolo booli ah loo
soo dhoco.
Muran aad u badan ayaa arrintaas daraadeed ka oogaan
baraha internetka ee isku hawla ururinta suugaanta Soomaaliyeed,
waxaana isleeyahay raggaasi iyaga oo dadaalaya waxay gafayaan
hadafkoodii dhabta ahaa ee ahaa in ay si hufan u baadi goobaan
suugaanta sii dabar go’eysa ee bulshada soomaaliyeed ka dhexeysa
ninka tiriyay reerkuu doonaba ha noqdee. Suugaanta luqada lagu
tiriyay dadka ku hadla oo dhan ayaa wadaaga, macna gaar ahna ma laha
in ninka gabayga mariyay uu reer Qudhac yahay ama reer Qansax yahay
mar haddii af Soomaali uu ku gabyay, waana laaxin weyn in la kala
xigsado suugaanta Raage, Salaan, Qamaan, Aw Muuse iyo ragga la
midka ah oo dadka qaar isa siiyaan, qaarna iska fogeeyaan. Raggaas
dadaalayana waxaan uga digi lahaa inayna suugaanta kalsoonida ka
luminin oo ayna ka dhigin bililiqo iyo boobow reerkaa, hadafkooduna
ha noqdo in xaqiiqada la gaadho, xaqana ninkii lahaa la siiyo.
3) In la raadraaco maanso waliba
deegaanka ay ka soo jeeddo ee laga baadi goobi karo wixii ka dhiman
ama calaaqo la leh. Tusaale ahaan haddii ay sugnaato in gabayga la
hayaa Raage leeyahay waxaa laga raadinayaa Sulul iyo Sibi, iyo carro
Maalinguur. Haddii Cali-dhuux leeyahayna waxaa laga raadgoynayaa
Buuhoodle iyo xero Caligeri. Haddii Salaan leeyahayna degaan
Habarjeclo, taasina waxay sahleysaa in si dhib yar loo helo maansada
la doonayo iyo taariikhdeediiba.
4)
In si dhab ah loo darso taariikh nololeedka gabyaa walba isaga oo la
tixraacayo munaasabadaha kala duwan ee uu ka gabyay ee taariikhdooda
la garanayo. Tusaale ahaan qofka akhriya diiwaanka gabayada Sayidka
wuxuu si faahfaahsan u qori karaa taariikh nololeedkiisii iyo
waxyaabixii la soo gudboonaaday Sayidka. Gabyaa kasta oo kalena
gabaygiisa ayaa loogu taariikheyn karaa. Waxaa sidaas lagu helayaa
qayb ka mid ah taariikhda Soomaaliyeed ee aan qorneyn. Marka la sugo gabayga cidda marisay iyo waxa uu ka hadlayo iyo
dhacdooyinkii kala duwanaa ee gabyaagu maansadiisa ku suntay, waxaa
inoo suuragalaya inaan helno qaybo muhiim ah oo ka mid ah taariikhda
aan moognahay.
5) In si mug leh loo raadgooyaa isbadallada ay suugaantu samysay iyo
heerarka ay soo martay, iyo fac walba oo suugaanyahanno ah wixii ay
caanka ku ahaayeen. Waa inaan u dhabbagalnaa xilliyaddii geela
aadka looga hadli jiray, xilliyadii xornimadoonka iyo gumeysi diidka
laga hadli jiray, xilligii maahmaahaha iyo murtida culus la
isticmaali jiray iwm. Waa inaan garwaaqsanaa xilli walba waxa
gaarka ku ahaa ama uu kaga soocan yahay xilliyada kale.
Qaybtii 2aad
October 3, 2008
Waxaynu kaga soo hadalnay qeybta koowaad ee qormadan ahmiyadda ummad
kasta suugaanteedu u leedahay iyo qiimaha ay ugu fadhido, iyo sida
loogu baahan yahay in loo abtiriyo, lagana ilaaliyo lumitaanka, is
dhaxgalka iyo in duulal kale inoogu soo dhexdhuuntaan oo ay dhaqamadooda
iyo caqiidooyinkooda inoo soo dusiyaan. Waxaa kaloon soo qaadnay
asbaabta keenaysa in aynu u abtirino suugaanteenna. Qaybtanna
waxaynu ku eegaynaa siyaabaha loogu abtirin karo suugaanta.
Sidee lagu
helayaa abtirka saxda ah ee suugaanta?
Mar haddii ay caddaatay in suugaantu u baahantahay abtir lagu garto
nasabkeeda iyo cidda curisay waxaa is weydiin mudan sidee ayaa lagu
helayaa abtirka saxda ah ee suugaanta la doonayo in loo abtiryo?
Jawaabta su’aashaa waxaan ku soo koobaynaa qodobbadan soo socda:
1) waa in suugaanta deegaan walba si gaar ah loo uruuriyaa maxaa
yeelay waxaa deegaankaas laga heli karaa magaca gabyaaga oo
dhammaystiran, sababtii gabaygan keentay iyo macnaha erayada ku jira
ee Soomaali ahaan dadka qaar ku adkaan kara. Sidoo kale waxaa
suuragalaya in gabay walba isagoo dhammaystiran la helo intii
suuragal ah. Hadiise suugaanta ka soo jeedda Doollo laga baadi doono
Saraar ama Nugaal, midda ka soo jeedda Hobyana laga raadiyo
Qarrijuqood ama Faafan waa lagu jirrabmi doonaa, lamana soo heli
doono waayo shaygu weel uusan ku jirin lagama soo helo. Si ururinta
noocaas ahi u hirgashana waa in deegaan walba isu xilsaaraa inuu
baadi goobo oo uruuriyo suugaanta ay curiyeen gabyaaga
deegaanadooda ka soo jeeda oo sida badan iyaga cid ka taqaannaa ayna
jirin ama ay yartahay, gaar ahaan marka gabyaagu aanu caan ahayn ama
aan magiciisa horay loo maqlin.
2) waa in la darsaa taariikhda suugaanta iyo suugaanyahanada si loo
garto maanso walba xilliga ay ku beegantahay iyo waagii uu gabyaa
kasta noolaa. Taasi waxay fududaynaysaa in la helo inay sax tahay
iyo in kale suugaan badan oo dadka qoloba nin u tiiriso iyaga oo
dhab ahaan dhimashadooda wakhti badani u dhexeeyay. Waxaa kala
caddaan doona inay isa soo gaadheen iyo in kale dad la sheego inay
gabayo isu direen ama mid midka kale gabaygiisa ku xusay, sida
qisada la sheego inay dhexmartay Raage Ugaas iyo Wiil waal ee ku
saabsanayd qof dumar ah oo ay isku qabteen sida la sheegay ama
baydadka loo nisbeeyay Raage ee uu sida la sheegay ku ammaanay
gabayga Aw Muuse. Haddii aynu helno taariikh nololeedkii raggaas
aan xusnay ee la sheegay in gabay kala gaadhay ama xaajo dhexmartay
waxaan si dhab ah u sugi karnaa ama u diidi karnaa in dhacdadaasi
jirto iyo in kale. Hadiise aan la helin taariikh nololeedka
suugaanyahannada waxaan laga lug baxaynin in rag halqarni ama ka
badani u dhexeeysay maanso la wadaajiyo ama qiso la dhexdhigo.
Waxaa arintaas tusaale ugu filan warqad been abuur ah oo ay Yuhuuddu
qarnigii 5aad ee hijrada sheegteen in Nabi Muxammad (scw) u qoray
oo sheegysa inay xaq u leeyihiin inay Khaybar degganaadaan. Haddii
warqaddii la akhriyayna waxaa ku qoran in Mucaawiye iyo Sacad Ibnu
Mucaad makhraati ka ahaayeen heshiiskan. Markii arrintaas lagu
wareeray waxaa loo geeyay Al khadiib Al Baqdaadi oo ka mid ahaa
culimada baaca dheer ku leh cilmga xaddiiska, wuxuna xukumay in
warqadda la been abuuray; maxaa yeelay Sacad Ibnu Mucaad wuxuu
dhintay duullaankii Axsaab ka dib, duullaanka Khaybarna ma soo
gaadhin, Mucawiyana xillgaas muslimba ma ahayn. Wax walba oo
taariikhdiisa la helana sidaas ayaa loo soo afmeeri karaa inuu jiro
iyo inuusan jirin.
3) Waa in loo fiirsadaa magacyada dadka ama goobaha gabyga ku soo
arooray si looga raad raaco deegaanka gabaygu ka soo jeedo iyo
gabyaaga magacyadaasi la xidhiidhsanaan karaan. Tusaale ahaan tixda
uu ka mid yahay baydka ah: Naa soo xaliimooy xaddiya xaalna kama
raacdid. waxay dadka qaar wariyaan in Raage Ugaas leeyahay,
dadka qaarna waxay sheegaan in ninka tiriyay tixdaas uu yahay Raage
Aadan Waal ama Aadan Dhallin oo si weyn looga yaqaanno deegaanka
Tureed. Labada riwaayo midda saxanna waxaa lagu garan karaa in
afooyinka raggaas u kala dhaxay magacyadoodii la helo ama la ogaado
midka labadaas dumarka ah loogu kala xiskiisamay, ka dibna waxaan
guddoomin karnaa gabyaagii dhab ahaan iska lahaa tixdan.
Sidoo kale waxaa gabyaaga u caado ah inay ku halqabsadaan rag ay
saaxiibbo yihiin ama isku dhowyihiin ama maansadaas marinteedaba ku
kallifay oo aalaaba ay ararta gabayga ku sheegaan. Tixraacidda
magacyadaasina waxay sahlayaan inaan helno labada ama saddexda nin
ee gabayga loo kala tiiriyay keebuu magacani la xidhiidhaa ama la
yaqaannay inuu ku dhowyahay ama saaxiib la yahay. Waxaa iyana sidaas
oo kale ah magacyada deegaanka ama beelaha uu gabyaagu soo hadal
qaado oo iyaga laftoodu ah fure lagu gaadhi karo qofka tixda mariyay
.
4) Waa in maansada si dhammaystiran loo wariyo intii suuragal ah oo
aan hal qayb lagu kaaftoomin maxaa yeelay waxaa suuragal ah in
gabyaagu meelo si qayaxan ugu caddeeyo waxyaabo laga fahmi karo
ninka uu yahay. Tusaale ahaan tixda uu ka midyahay baydka ah: Harre
maxay wadaagaan caqligu hoos u galiwaaye
haddii aan si dhammaystiran u raadinno waxaan heleynaa isaga oo uu
gabyaagu waa Muxumad Daahire abtirkiisa isla gabayga ku sheegay sida
uu yidhi: haybkaynu nahay reer cigaal horinta guuleed ah
taasina
waxay meesha ka saaraysaa in baydad ama bayd gabayga ka mid ah
gabyaa kale loo leexiyo, waxayna inagu caawinaysaa inaan si dhab ah
u helno suugaanyahanka tixda lagu muransanyahay mariyay oo marag
madoonto ah.
Sida badanna gabayada loo tiiriyo cid aan lahayn waxaa la wariyaa
qaybo ama qayb ka mid ah oo kaliya ee lama sheego isaga oo ebyan,
haddiiba isaga oo idil la warin lahaana gabaygu isaga ayaaba
abtirsan lahaa.
5) Waa in la darso sababta gabayga keentay oo inta badan ay
maansayahanadu ararta gabaygooda ku sheegaan taas oo sahli doonta in
si dhib yar loo helo waxyaabo badan oo laga tilmaansan karo qofkii
gabaygan mariyay. Sababta gabayga keentay waxay noqon kartaa mid
shakhsi ah ama khusaysa beesha iyo degaanka uu ka soo jeedo ee uu
afhayeenka u yahay, waxaana arrintaas lagu tilmaansan karaa midka uu
yahay gabyaaga tixda curiyay. Tusaale ahaan tixda uu Aw Yuusuf Barre
ka mariyay guurka ee uu dhextaalka uga dhigay “ guur aan ka la’aado”
wuxuu ku xusay rag uu adeer u yahay oo markaas guurdoon ahaa sida ka
muuqata hadalkiisa. Haddii aynu haddaba garanweyno ninka gabaygaas
tiriyay, sababta ku soo aroortay waxay inoo noqon kartaa dhabbe aan
u raacno helidda gabayaaga iska leh tixda ina hortaalla. Waxaa iyana
sidaas oo kale ah tixda uu ka mid yahay baydkaah: wayshaan u
xidhay Reer Subeer wiil u fura waaye oo ninka tiriyay la sheego
inuu yahay Guure Dulyar, waxay dad kalena sheegeen inuu yahay
Buraale Cali Seexde, qaarna waxay ku doodaan inuu yahay Cali-dhuux
Aadan. Haddii aan haddaba waysha la xidhay oo ah sababta gabaygu ku
qotomo ogaanno waxaa fududaan doonta inaan ogaanno kumuu ahaa ninka
qisadaas la soo gudboonaatay ee dabadeedna ka gabyay, sidaasna waxaa
ku xallismi lahaa khilaafka arrintaas ku saabsan.
(Qisadan oo uu qoraa
kale mar horre kusoo qoray
doollo.com halkan ka akhri.)
6) Waa in la dhuuxo macnaha uu gabaygu ka hadlayo si loo qiimeeyo
inay suuragaltahay in hebal uu yahay midka gabayga tiryay iyo in
kale iyada oo la tixraacayo mawaadiicda uu horay uga hadli jiray.
Gabyaa walba hilimmo gaar ah ayuu sida badan maansadiisa ku cabbiraa
ama u badan waxa uu ka hadlo. Tusaale ahaan Cabdi Gorod wuxuu caan
ku ahaa inuu ka hadlo wixii cusub ee markaa soo baxa, tixo badan oo
noocaas ahna wuu leeyahay, erayadii uu yidhi isaga oo idaacaddu
waagii ay soo baxday ka hadlayana waxaa ka mid ah:
Birtan
danani ee laga dikriyi sida wadaad duuble
Warkan kugu soo duulayee kaana sii durugsan
Dib maxay ka noqonba waa adduun doorshey kii hore’e
Rag kale waxay ku caanbexeen sida Sayid Maxamed, Xaaji Aadan
Afqallooc iyo Tima cadde inay ka hadlaan xornimada iyo gumeysi
diidka. Haddaba haddii tixda ina hortaalla ay ka hadleyso macne
ragga maansada loo dhexeysiiyay qaarkood caan ku ahaayeen inay ka
hadlaan waxaan soo dhoweyn karnaa inaan rajaxno in gabyaa hebal ku
mudanyahay tixdan, hebalna baabkii uu ka hadli jiray ayna maansadani
ku qotomin.
7) Waa in dadka suugaanta isku hawlaa ay taxaan abtirka gabayga ama
eray suugaaneedka si kale ku soo gaadhay si la isu barbardhigo dadka
laga wariyo riwaayado kale duwan midka warkiisa la qaadan karo iyo
midka kale ee aan aqoonta u lahayn suugaanta ama aan lagu kalsoonaan
karin waxa uu soo tabiyo.
Arrintaasi waxay keeni doontaa in qofka gabay afkiisa laga maqlo la
waydiiyo yaa kuu sheegay, haddii uu sheegana la sii waydiiyo yaa
midkaasna u sii sheegay ilaa laga gaadho ninkii gabayga tiriyay,
sidaasna waxaa ku soo baxaya silsilad dad ah oo kala wariyay
gabaygan, taasina waxay fududayn doontaa in raggaas gabayga kala
wariyay mid mid la isu dultaago, lana hubsado inuu yahay mid
warkiisa wax lagu dhisi karo iyo in kale.
Waxaa sidoo kale halkaas ka soo bixi doona in suugaanta laga waayo
wax aan abtir lahayn ama albaabada laga wada xidho cid kasta oo isku
dayi lahayd inay suugaanta ku darto wax been abuur ah (mowduuc).
8) Waa in loo fiirsado erayada ku soo arooray tixda dhexdeeda si loo
soo sooco degaanka laga isticmaalo erayadaas in kasta oo gabyaagu uu
si baahsan u isticmaalo luqadda Soomaaliyeed laakiin haddana guud
ahaan waa la fahmi karaa deegaanka ay tixdu u biyo shubanayso ama
sida gaarka ah looga isticmaalo erayada ku soo arooray qaybo ka mid
ah. Tusaale ahaan markaad maqasho:
Godogodo ninkii dilay
Guushaana gowracay
Geela gabalow ku leeyahay
waad saadaalin kartaa deegaanka uu ka soo jeedi karo ninka
geeraarkaas mariyay, haddii la isku qabtana waxaad rajixi kartaa
cidda la siin karo adiga oo arrintaas deegaanka wax ku dhisaya.
Waxaa iyana aan meesha laga saari karin inay aad isugu lahjado
dhowyihiin deegaannada inta badan suugaanta la hayo loo nisbeeyo
ilaa xad ay adkaan karto in la kala sooco. Hase yeeshee haddana waa
uun la heli koley tahay eray tixda ku arooray wax lagu kala saaro
ama lagu fahmo deegaanka loo sii iili karo gabayga markaas la hayo
iyada oo la raacayo kalmadaha ay ku kala duwanaan karaan deegaamada
qaarkood.
9) Waa in la eego macnaha iyo afkaarta gabaygu xambaarsan yahay.
Gabayada ama noocyada kale ee suugaanta markii mid walba abtirkiisa
la raaciyo, lana xaddido qofkii curiyay waxaan shaki ku jirin in ay
soo hadhi doonto suugaan badan oo aan la heleynin cid tirisay ama
tidhi tix iyo tiraab midka ay tahayba. Suugaanta noocaas ah waxaa ka
mid ah maahmaahaha intooda badan, hadallada loo nisbeeyo xayawaanka
ama dugaagga iyo suugaan kale oo gabaygu ka mid yahay. Suugaanta
noocaas ah iyana waxaa loogu abtirin doonaa inay tahay mid
Soomaaliyeed haddii ay wadato wax lagu aqoonsan karo inay Soomaali
wax u galeen oo aan ahayn luqadda kaliya; maxaa yeelay luqadda dad
badan oo bartay ayaa ku cabbiri kara dhaqammo aan ahayn kuwo
Soomaali lagu yaqaanno. Suugaantaasna in ay Soomaali ka soo jeeddo
guud ahaan waxaa lagu garan karaa caqiidada, dhaqanka iyo akhlaaqda
ay xanbaarsantahay. Haddii ay tahay wixii Soomaali lagu yaqaannay
waxaan odhan karnaa waa suugaan Soomaaliyeed oo aan la garanaynin
qofkii curiyay, haddii ay dhaqammo kale wadatona waxaan dhahaynaa
waa suugaan dool ah oo qalaad Af-Soomaaliba ha ku hadashee, abtirna
sidaas kuma heleyso, waxaana lagu darayaa suugaanta la been abuuray
(mowduuca ah).
Qodobadaas aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo aan filayo dad
suugaanta iiga aqoon badan inay soo kordhin karaan haddii la cuskado
waxaan ku wadaa in laga nasan doono ismaandhaafka ku saabsan u
abtirinta suugaanta ee ay qoloba meel ku dhufanayso iyada oo aan la
raacaynin qawaacid ama shuruudo lagu sugi karo suugaanyahanka dhab
ahaan gabayga laysku hayo tiriyay. Waxaan ku rajo weynahay in
tallaabadani wax uun ka xallindoonto khilaafaadka noocaas ah.
Gabagabadii waxaan codsanayaa in baadi goobka la sii wado,
birmadkana la sii abaabulo si loo dabaqabto suugaanta Soomaalida ee
waraabaha u bilqan, bahalkuna saanyaday, wax badan oo ka mid ahina
dayac u baaba’ay.
Dhammaad <>
Falcelis iyo waxay kula tahayba kusoo hagaaji:
mail@doollo.com
_______________________________________________________________________________________
W
|