Home

Cabdi Saahid

 
Quule Mirasho
Masaare
Ardo Macalinkii
Muusanow
Doojiyoo Dar Kale Saar
Laba Guul Ooman
Xabaal Seeg
Gobta Silicday
More to come...
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Cabdi Saahid waa abwaan aad looga yaqaano degaano badan oo Soomliyeed.  Waxaa abwaanka magaciisa si degdeg ah looga aqoonsadaa  deggaanada Doollo, Doh, iyo Ciidba.  Abwaanka gabayyadiisu waxay inta badan xoogga saaraan taakulaynta iyo tirtirsinta dhaqdhaqaayada gobonimo doonka ah ee lagula hardamayo gumaysiga madoow ee Ethiopia.  Laga soo bilaabo dhaqdhaqaaqyaddii ugu horeeyay ee ka howl galla gobalka Soomali Galbeed ama Ogadenya ilaa iyo maanta, abwaanku wuxuu hadba soo saaraa suugaan cusub oo uu kula xarbiyayo gumaystaha jaalkiisna uu daalka iyo isdhigashada kagala dagaalamayo.

Inta badan maansada Cabdi Saahid waxay ku timaadaa dhacdo ama farxad gooni ah u leh abwaanka ama uurkutaalo kulul ku reebta oo uu markaa butaaco si uu ula wadaago dareenkiisa ciddii markaa warkiisu uu gaadhi karro.  Sidda aad gabayada halkan ku taxan ka arki kartid, gabay walba dhacdo gooni ah oo taariikhi ah ayuu salka ku hayaa oo uu wax ka sheegayaa.

Cabdi Saahid wuxuu kaloo  kamid yahay abwaanada ka aflaxay kulyadda Dhoodaan ee abbuurista gabayga loo yaqaano Jacburka.  Wuxuu sameeyay abwaanku gabayo badan oo jacbur ah oo muhiimad wayn iyo maad badan ba leh.  Mustaqbalka qaar Jacburkaa ka mid ah ayaan kusoo bandhigi doona boggan.  

Abwaanku wuxuu kaloo ka gabyaa khilaafaadka qabiiliga ah ee Soomalidda dhex marra.  Wuxuuna gabay ku hujuumaa markaa cidda ay isaga la tahay inay xad gudubtay, gardarro aan geed loogu soo gabanina la timid,  dhinacana wuxuu saaraa qofka uu markaa u arko dulmane laga gardaran yahay.

Haddaba, riix hadba gabaygii aad xiisaynayso si aad u gudda gasho akhrinta maansada abwaan Cabdi Saahid.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.