Gabayadan ay nimanka Isaaq iyo kuwa Ogaadeen isugu jawaabeen waxaa 1979kii billaabay nin la yidhaahdo
Cali Banfis
oo Isaaq ah. Wuxuu gabayadiisa badankooda ulajeeday
dawladii Maxamed Siyaad, wuuse marin habaabay oo Soomaali oo dhan
ayuu ku jaa'ifeeyey. Qoys Soomaaliyeed oo uuna Cali Banfis wax
ka sheegin Isaaq ma ahee ma jirin. Rag Maxamed Siyaad
mucaarad ku ahaa oo aad iyo aad isaga uga culus oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Dhoodaan loogana bartay inay
ka gabyaan qaddiyado sare oo Soomaali u dheexeeya danna u wada ah ayuu
sidoo kale ku af-lagaadeeyey. Gabayga
Cabdullaahi Dhoodaan ee Garnaqsi la yidhaahdo oo gabayada ay
Soomaalidu tirisay kuwa ugu murti badan uguna qodoba culus ku jira
ayuu is yidhi ka jawaab. Garnaqsi wuxuu ahaa 1974kii, xilliga
Cali Banfis isleeyahay ka jawaabna waa 1980kii. Bal adigu
caqliyadda arintaa ka dambaysa inaad fahamto isku day! Waxaa
taa ka daran, Garnaqsi Cali Banfis iyo reerkiisa
midna ma khuseeyo ee waa
xujo iyo dood ku wajahan Maxamed Siyaad iyo dawladiisii. Bal
macnee gabayga Faarax Xuseen Sharmarke loo tiriyey ee uu Faarax Nuur
ka jawaab is yidhi!
Maxamed Siyaad iyo Dhoodaan waa laba
nin oo Soomaaliyeed oo reer ahaana Daarood wada ah. Hadday
garramaan iyo haddii ay is gardaraystaanba Cali Banfis
wax door ah oo uu ku leeyahay doodaa majiro. Kolkii ay niman
Isaaq ahi waydiiyeen oo ay yidhaahdeen war maxaa Dhoodaan oo aadan la
sinayn kuu geeyey oo sheeko aan ku khusaynin iyo dood aadan ehelba u
ahayn aad faraha ula gashay? Wuxuu ku jawaabay 'waar waan
sharkhaansanaa dee markaan gabayga tirinayey!' Dabadeed waa tii ay soo baxday:
Sida kii sunbaacada
qudhmuun siriray ee daacay
Dabadeed sarkhaan baan ahaa iigu sabab sheegtay
Ninkii gabaygu surinkuu lahaa sin uga leexshaaba
Waa sanaf sabbaaxadi dhashoo Ina-saliid weeye
Ninka la yidhaahdo Maxamed Sheekh
Axmed Oogle oo ku magac dheer Makayte isagoo la yaaban Cali iyo
duulduulkiisa waa kii lahaa:
Orgiyahow adoo waalidii,
alamba duulaaya
Aar miciyo dhaadheer adaa,
galay afkiisiiye
Adhaxdiyo hadduu kaaga dagay,
oofta feedhaha e
Haddaad ee’ataan sida riyaha,
kaa aqbali maayo
Mar
kalena isagoo la yaaban itaal gaabnida garashada Cali
Banfis waa kii Makayte lahaa:
Aqli iyo aqoonxumo darteed,
inamadii heesay
Ee or iyo jiib lama filaan,
uunka maqashiiyey
Misna oobarayn kale galow,
laydinku ogaaye
Inyar iyo in badan toona,
khayr laydin ka idleeye
Abdayahay adduun laga
gudbaad, idinku joogtaane
Yuusuf
Colaad oo isna laba gabay ugu jawaabay Banfis oo aad ula yaaban bal
ha gabyo hadduu rabee waxa uu Dhoodaan afka ula gaadhay ama uu gabay
uusan jawaabtiisa lahayn, karinna ka jawaab ugu dheelalaabay waa kii gawriyey Banfis ee
lahaa:
Dhoodaan Duquu la hadlayey
iyo, wuxuu dareemaayey
Dana sheegadkoodii adoon,
lagu dubaaqaynin
Bal inaad Doxore waalan
tahay, waxaa daliilkeed ah
Meel aan laguu diranin yaad,
soo dafleedahaye
Rag badan oo halabuur leh ayaa gabayo iyo geeraaro mucaarad ah ku
haalufayn jiray dawladii Maxamed Siyaad. Laakiin raggaasi waxay ahaayeen rag yaqaana
gabayga iyo xeerarkiisa, xilliga ay haboon tahay in la tiriyo, cidda
ay tahay in loo tiriyo, iyo haddii gabay lagugu maago waqtiga ugu
haboon ee ay tahay inaad ka jawaabto.
Cali
Banfis ragga u jawaabay oo dhan waxay caddeeyeen inuu ka habaabay
hilinkii toosnaa ee gabayga. Waxay ku qireen
daba-dhilifnimo iyo in shisheeye ku adeegato, qaranka iyo
midnimada ummadda Soomaaliyeedna uu lid ku yahay. Raggaa waxaa
hormuud ka ahaa Yuusuf Colaad oo in badan ku waaniyey Banfis inuu
fidnada umadda Soomaaliyeed kala dhex baxo kalena saaro Siyaad Bare
iyo qaranimada Soomaaliyeed siddiii ay Dharbaaxo Jin, Dheeg,
Cabdille Raage, iyo Cali Cilmi Af-yaraba u waaniyeen Khaliif
Sheekh Maxamuud oo isna isla xilliyadaa Itoobiya gabayo kasoo diri
jiray. Gabayga Dood Waayeel ee Yuusuf Colaad waxaa ka mid ahaa:
Inta kaleba daayoo
halkanaad, dad ugu faanayso
Adigoo Riseef baa la
degay, dunida gaadhsiiyey
Doolaab cad adigoo
xidhiyo, dun iyo weerkeeda
Nimanbaa Illaahay u
diray, dawladihii Yurub e
Dagta calanka Biixigii
ku siday, waad la dirirteene
Shirkii dooxan lagu
qaatay, ee la is difaacaayey
Yeydiin dirsaday
waadigii, dooda ku lahaaye
Lixdan sano dib noo
dhiga kuwii, doonayaad tahaye
Maantana diyaar waxaw
tihiin, saad u dumisaane
Allaaba waa difaac aad
gashiyo, dirirtii maandeeqe
Dabar iyo luggooyaad ku
tahay, daa'inkaa abide...
Dalkii waan xoraynaye
ragbaa, loogu dowgalaye
Dabadhilif sidaadaa
Calow waa, dareemada e
Guud
ahaan, gabayada isu jawaabta ah ee Soomaalida dhexdeeda ku
faafay kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah Silsiladda Rayad. Gabayadaas abwaanadii ka qaybqaatay ninba marbuu gabaygu usoo gali
jiray marna wuu ka xidhmi jiray. Marka uusan gabaygu usoo
galin ninna iskama tirin jirin wax darooryan ah oon meella haysan.
Waa kuu Qamaan Bulxan dhalliilay Maxamed Fiin oo uu tuhmayey inuu ku
degdegay gabaygii uu tiriyey, Qamaan oo jeclaa in isaga iyo Cali-dhuux
la isu daayo
waa kii lahaa:
Hadalka waad gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline
Gam inaad tidhaahdaan damcoon, Cali garaaxaaye
Naagtii ganbada taabatee gacanta, loo maydhay
Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?
Sidoo
kale Salaan Carrabey Silsilada Rayad kuma jirin mana rabin inuu
soo galo. Wuxuu u arkayey diradiraalaha Cali-dhuux inuusan mudnayn
in waqti kaga baxo hase yeeshee markii Cali-dhuux qoyska Salaan
gabay qadaf ah u mariyey ayuu Salaan soo galay oo tiriyey gabaygiisii
ahaa Haadaaqsi. Meersiyada Cali-dhuux ee Salaan ku kalifay inuu
soo galo taxanta waxay ahaayeen:
Nimankaan
haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa
Kolay Habar
Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane
Nin waliba
hadhuub buu toshiyo, haamo gooniya e
Haweenkuna
hadday doonayaan, inay hidiidaane
Dabadeed, Salaan waxaa
waajib ku noqotay inuu qadafkaa ka jawaabo wuxuuna mariyey gabaygiisii
dheeraa isagoo Cali-dhuux ku leh waa taad
haween nagu xustaye haad ma ku cunsiiyey. Ogow Salaan
haddii aanu heli lahayn albaab ama qodob uu gabayga kasoo galo ma
gabyeen.
Haddaba
haddii uu gabayaagu mid macno leh yahay waa inuu u miidaan dayaa
gabaygiisa si uusan dhibaato usoo jiidan. Banfis intaa wuu garan waayey,
wuxuu soo dhoofiyey dhawr gabay. Waxaa kolka u jawaabay rag
door ah oo iyagoon is ogayn midba saacaduu maqlay gabayadiisa
jawaab degdeg ah ka bixiyey. Dabadeed isna waxaa lasoo saftay
rag kale oo kuwa aan magacyadooda kor ku xusnay ay ka mid yihiin.
Kolkaa ayey silsiladdani guntantay. Ragga aan gabayadooda wax
ka helay waxaa ka mid ah
Xasan Garabey,
Yuusuf Colaad,
Makayte,
Fakad,
Maxamed-daahir oo
aad gabayadooda
kor ka dooran karto. Waxaa kale oo ka qaybqaatay Fidhin, Axmed-nuur iyo kuwo kale
oo aan wali gabayaddodii raadgoobayno. Dhinaca Isaaqa waxaa soo
gabyey Cali Banfis, Bashiir Ismaaciil, Dheeg, Qaasim,
Caynab iyo kuwo kale.
Iisoo dir haddaad gabayadooda wax ka hayso.
Dhoodaan wuxuu u arkayey Cali Banfis wax ay isaga daadsan tahay oo
dayeysan sidaa daraadeed ma xaalaynin warkiisa. Waxaad moodaa
inuu raacay falsafadii
Maxamed Cumar Dage
ee ku wajahnayd Quule Indhoole ee ahayd:
Afka nin isku
weynaynayoo war iga doonayaa
Oon waalidkii ila sinayn, sii wadwadi maayo
Wacadkii Illaah baan maroo, waafiyeyn mahayo
F.G: Hadda ka hor waxaan
akhristayaasha u sheegnay inaan silsiladda magaceeda raadinayno inta
aanu ka helayno magacaana aanu si ku meelgaadh ah Olal Reema ugu
yeedhayno. Waxaanu soo xaqiijinay in dhinac ka mid ah labadii
dhinac ee ka qaybqaatay taxanta ay u bixiyeen Daarood ku Fuul.
Magacaa ayaanuna ugu yeedhaynaa hadda wixii ka dambeeya.
Meeriska magacu maro wuxuu ku jiraa gabayga Fakad ee ah Daarood ku
Fuul, wuxuuna yahay:
Daarood ku fuul
kaama dego, daayin abidkaaye
Intaad dunida
nooshahay anunbaa, duudka kaa rarane
Dacay adag waxaan
kuugu xidhay, daalinbaad tahaye
Haddaan dabarka kaa
furi lahayn, amaanu kaa dayno
Duunyadii waraabuhu
cuniyo, daayacbaad noqone
Dalanbaabiyahow meel
xunbaad, dalaq tidhaahdaane
Nin Amxaaro Daafida
u karin, amase Doofaarka
Dabeecuu u leeyahay
Isaaq, gaalo daba jooge
Dillaal iyo hunguri
waa wixii, dilay awowgoode
Dalkay gadan
lahaayeen haddaan, lagaga deyrayne.
Haddii
aad og tahay rag kale oo ka qeyb qaatay taxantan ama ee maqashay
magac dhinaca kale u yaqaan silsiladdan nala soo socodsii.
Dhinaca bidix ee kore ka
dooro gabayada silsiladdan ka mid ah wixii aanu hadda hayno.
|