|
Boggan suugaanta qoraalka ah waxaad
ka helaysaa suugaan badan oo xul ah oo ay reebeen hal-abuuradda Soomaliyeed gaar ahaan
kuwa aan is lee nahay aad ayaa loo xiisaynayaa.
Waxaad awooddaa in si dhibyar aad u galshogoosatid maansooyin ay
mariyeen rag badan oo
ku ciraystay halabuurnimada kuwaa oo isagu jira kuwo hadda nool oo wali
abuura maansada iyo kuwo sabbano horre aakhiro u jahaystay.
|
Iyadoon lasoo koobi karin ragga
aan maansadooda si gaar ah u darsi doono, ayaan haddana waxaa
hormuud ka ah akhyaarta aad halkan ka akhrin kartid ama ka
dhagaysan kartid Cabdullaahi Dhoodaan, Sayid Maxamed, Cali Oday,
Bidhiidh, Qaman Bulxan,
Maxamed Cumar Dage, Raage Ugaas, Aw-Yuusuf Barre, Faarax Caytame,
Maxamuud Cali Beenaleey, Cabdi Saahid, Maxamuud Cabdi Kaadheeri,
Singub, Dharbaaxo Jinn, Saahid Wayrax, Nuur Jiir, Ismaciil
Mire, Calidhuux, Gandaal, Fakad, Khaliif Sheekh Maxamuud, Cabdi
Galayax, Salaan Carrabeey, Afqalooc, Timocadde, Abshir Bacadle, ikk.
Waxaa xaqiiqo ah in aad is leedahay
tollow maxay hebel ama hebel magaciisa u xusi waayeen, kaligaana ma
aha ee dad badan oo kale ayaa laga yaabaa inay is waydiinayaan
sababta loo xusi waayey abwaano kale oo laga yaabo inay qalbigooda
aad ugu dhow yahiin. Haddaba la soco akhristooy in ay adag tahay in la
wada xuso ragga maanso-ruugyada ah ee Soomaaliyed. Haddii uu
jirro qof aad si gaar ah u xiisaynayso aadna jeceshahay in
maansooyinkiisa lagu soo bandhigo doollo.com, waad noo soo diri
kartaa, waanuna soo daabacaynaa sidda ugu dhaqsaha badan, Idam Alla.
Maansooyinka aan muhiimadda gaarka ah siinayno
waxaa kamid ah kuwa aan is lee nahay aad looma maqal ama waxaa dhici
karta in dad badan oo akhrintooda xiisaynaya ay jiraan. Gaar
ahaan kuwa dhaqanka bulshada Soomaliyeed ku taxaluqa, kuwa gumaysi
iyo gardarro diidka ah, kuwa nabadaynta iyo khilaaf dhimadda ummada
Soomaliyeed ka hadlaya, kuwa muhiimadaha taariikhiga ah leh, iyo
kuwayoow kale oo badan.
Waxaan rajaynaynaa inaad ku qanci doontid dhamaan dhinacyada kale duwan ee
nolosha insaanka la xidhiidha sida taariikhda, suugaanta, dhaqanka
iwm ee uu hoygani uruuriyo.
Ujeeddo aan
ahayn uruurinta, kaydinta iyo darsidda suugaanta miigan ee
Soomaaliyeed oo aanu ka leenahay hoygan ma jirto.
Akhris iyo dhagaysi wanaagsan.
Wixii fikrad ah noo soo xuli
mail@doollo.com
Mahadsanid
|
|
Maxaa
loo Gabyaa?
Raage Ugaas
-
Uma kiilo maansada siddii, xuud kalluunsada
e
-
Kasha muran kuyaaleey xikmadu,
kilinkilaysaaye
-
Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta
ahe
-
Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga
-
Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan
arage
-
Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u
kaalman
-
Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay odhan
waayey
-
Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u
jooga
-
Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba
-
Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u
kululaado
-
Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
-
Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix
kaynaansho
Dhoodaan
-
Gabay aan abuuraa hadduu, aniga ii muqdo
-
Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan
abaaraaye
-
Ayaan kale astaan lehee waxaan, arar ku
faaleeyay
-
Ruuxii aftahan loo yaqaan, ama abwaan
sheegtay
-
Wax if jirra wax aakharo jirriyo, waxaan la
eeganba
-
Waa inuu ogaadaa siddii, uur-ku-baalaha ee
-
Aadmiguna sidduu aawilaa,dhaaxba la arkaaye
-
Amin soo socdaa wuxuu ahaan, waan odorosaaye
Dhoodaan
-
Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan
darooryamiye
-
Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la
doondoone
-
Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee
ruuxe
-
Dardarsiintu way u daran tahee, marin-daygaa
u roone
-
Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da'a
weyn tahaye
-
War waa deeq Ilaah baxshiyo, doobir gooni
ahe
-
Sidii hees la darandooriyiyo, koox la
dananaysa
-
Durbaan muusig ima daahiyiyo, duul xafida
wiige (week)
-
Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasas loo
tumo e
-
Dusha iyo haddaan saari jiray, duuda
guradeeda
-
Daldalaadii horre haatan waa, inaan ka
daayaaye
-
Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan
dabcinayaaye
Dhoodaan
-
Awel maanso waa taan balfoo, beylahshoo
nacaye
-
Waa taan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale
e
-
Aan booyaamo xalay baa hurdada, layla
baashiraye
-
Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku
ahaaye
-
Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha
Nowriise
-
Barkadaha balaqan iyo balidda, madhan aan
buuxdhaafsho
-
Aan butaaco sida karadha wa, bu’ashadaydiiye
-
Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohol ah oo
jeexan
-
Buurtiyo bannaankaba cagaar, baad aan kaga
yeelo
-
Afartaa bogtaye bal aan mid kale, baabka ka
higaadsho
-
Halkay bedeli laabtaydu aan, biifka ka
caddeeyo
-
Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu
yeelo
-
Baruuddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga
siiyo
-
Aan bulxamo siddii badaha oo, baxarku
qiiqaabay
-
Aan balbalo sidii beerta oo, baalka
roganeysa
-
Baabuurka aan dhoofsho, waa bixitimaayaaye
-
Aan bandiiradiyo calanka iyo, bayraqa u
taago
-
Bishaarooyinkii Eebahay,
baarax aan u sheego
Sayid Maxamed Cabdille Xasan
-
Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa
keenin
-
Asaan olol jacayl iyo xanuun, kugu
ijbaaraynin
-
Afkuun baad kaleedee tixuhu, arar ma
yeeshaanee
Yuusuf Qabiili
Dhawrkaa
tixood een kor ku xusnay waxay tusaale u yihiin ujeedooyinka badan
ee ay abwaanada Rabbi u dhibyareeyey samayn gabayga u gabyaan.
Waxaa la odhan karaa Soomaalidu waxay gabay ku sheegtaa ujeeda kasta
oo qofka insaanka ah qalbigiisa kusoo dhici karta. Maadaama ay
Soomaalidu tahay dad af-maal ah oo aad ugu tiirsan war aan qorayn oo
inta afka uun laga yidhaahdo la xafido oo la is gaadhgaadhsiiyo,
gabaygu wuxuu ahaa nooca ugu hufan ee arintaa lagu guto. Maahmaahda,
dhaantada, guurowga, heesaha, buraanburkuba, geeraarka, masafada,
iwm waxay ka mid yihiin kuwayaalaha gabayga la bahda ah ee qofku ku
cabiri karo dareenkiisa.
Haddii aan soo koobno, mawduucyada gabayga
keena ama gabyaagu inta badan ka gabyo waxaa horay kaga jira:
waanada iyo wax-u-sheega, wacdiga iyo Alle xusuusinta, hanjabaadda,
gubaabada, dagaal galinta, digashada, dardaaranka, difaaca,
dirediraalaha, hal-xidhaalaha, jacaylka ama nacaybka, kuhaanka,
ammaanta, cayda, calaacalka, habaarka, madadaalada, maslaxa
abuuridda, faanka iyo kuwa kale oo badan.
Gabay
kasta oo aad akhriso ama dhagaysato bal waxaad isweydiisaa ujeedada
abwaanka ku kaliftay inuu gabaygaa sameeyo. Waxaa dhici karta inaad
si dhib yar u aragto ujeedooyinkan aan kor ku xusnay iyo kuwa la mid
ah oo ku xambaaray abwaanka inuu gabyo.
|
|