Cirjiidh iyo Xalane oo gabayo is dhaafsday
Janaayo
2011
Mire, Hurre iyo Gabadh Godban
Wq: Cawaale Xuseen
Gabaygii ma Dhiman, Dhaawacna ma aha
Wq: Cawaale Xuseen
Maqal iyo Muuqaal
Sayid Maxamed
Tabiye: Daahir Xirsi Cabdi (Daahir-Cudhaadh)
Daraawiish iyo
Maxamed Subeer
Daraawiish iyo Reer Bari
Jiinleey
Gudban - Gaalo Lagad
Qalbi Karbaash
(Updated)
Cabdullaahi Dhoodaan.
Show sabbaad tahay
Dhoodaan iyo Qaasim oo gabayo is dhaafsaday
Xarbi Ismaaciil Samatar
(Updated)
Ka durduurta waataad wax badan iga dalbayseene
Gabaygii ahaa Gantaal ee uu Maxamed-daahir
Xasan ugu jawaabay
Bashiir Ismaaciil
Garaad Xirsi Faarax Xirsi (Garaad
Wiilwaal)
Sayid Maxamed:
1)Maandhow
lug kow laha ka daa
2)Dhurwaa
adhiga Eebbaa leh
3)Dardaarankii
1aad 4)Dardaarankii
2aad 5)Ma
duqaynay Reer Bari
6)Miinanle
7)Xiin
Finiin 8)Waa
duni 9)Saha
kacay
10)Xasanow
hubqaadaye 11)Dhacdooyin,
gabayo iyo geeraaro isku xidhan
Abtirka Suugaanta - Qaybtii 2aad (II)
Xasan Maxamed Ibraahim
Dhurwaale: Taariikh iyo Gabayo
Silsilad ah
Xarbi, Qowdhan iyo kuwa kale
Daawo in yar oo Jacburkii Dhoodaan
ka mid ah
Cabdullaahi Dhoodaan
Umu Sibyaan,
Jeeraaro Booddo,
Isweydiin
Daawo laba gabay oo gabayada Singub ka mid ah
Daawo maansadii:
Afrika iyo Soomaliya
Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska
ciyayaaye!
Jawaabtii aanu kal horre u dirray duulkii ku
xadgudbay, u gafay, aflagaadeeyey kulana laleemooday qadaf aysan
mudnayn abwaanada qaaliga ah ee Soomaaliyeed iyo suugaantooda
xalaasha ahba....
More >>
Jawaab
Fooleey Aadan Cali Hareeri:
Af-Soomaaligu waa af
caan ku ah murti iyo maahmaaho badan. Maahmaahda iyo murtiduba
waxay ku yimaadaan dhacdo qofka qabsata...
Cawaale Xuseen
Silsiladdii Halac iyo Haameey:
Haameey xaggee jiray markii, Halac la
sheegaayey, iyo
Halac-dheere ninkii sanado, hayn jiraan aheye
>>>
Cawaale Xuseen
Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga
Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha
Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka
Soomaaliyeed ee ku hadlana...
Axmed Haybe (Axmed
Dawlo)
Cabdi Gorod Wuxuu Yidhi:
nin adduun ku noolow maxaa aragti
kuu laaban, dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii
hore e
...
sii akhri
>>>
Cawaale Xuseen
Magan-dowr iyo Cali-dhuux:
Qardoofihii gacan-ka-hadalka isu rogay ee
dhexmary Dowr iyo Dhuux...Qiso gaaban
Cawaale Xuseen
Gabayaagii Hore; Xigasho Xushmad Leh
Xaddis A. Caabbi
Raage Ugaas: Tix iyo Tiraab
Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa Raage uga
dambeeyey cilmi dejintaa oo wuxuu ku daray tixdii iyo tiraabtii
maahmaahda. Wuxuu Professor Gaandi aaminsanyahay...
Cawaale Xuseen
Suugaantan Qafaalan Qaabkee loo soo Dhiciyaa
Xasan Maxamed Ibraahim
Silsiladdaha Suugaanta Soomaaliyeed ee
caanka ah
waxaa ka mid ah Guba, Rayad, Haameey ama Halac Dheere, Daba la’, Hurgumo, Deelleey,
Olal Reema...,
Cawaale Xuseen
The Role of Broadcasting in the Development of
Somali Language Axmed Dawlo
Geedaha iyo Haadda Geyiga Soomaaliyeed
Cabdalla iyo Cawaale
Halxidhaaluhu wuxuu ka mid yahay noocyada gabayga ama
geeraarka kuwa loogu jecelyahay wuxuuna inta badan xambaarsan yahay
garasho shishe oo maldahan oo ay Soomaalidu caan ku ahaan jirtay. Halxidhaaluhu
waa nooca oogu adag ee maanso lagu qotomiyo maxaa yeelay in abwaanku
gabay ama geeraar qaafiyad leh uu dhiso waxaa u dheer inuu wax
xujeeyo oo ama dhaqanka miyiga, diinta, xidigiska, iwm wax ku
xujeeyo ama uu mid isaga lagu xujeeyey furo. Waxaa dhici karta in
abaanku bad yahay oo gabay noocaad doonto kuu marin karo laakiinse
haddii uu halxidhaale loo soo faray furi waayo ma gabyi karo oo wax
kale iskama sheegi karo.
Halxidhaalaha caanka ah ee maansalaydu
wada taqaan waxaa ka mid ah kii Faarax Caytame kusoo gunaanaday silsiladdii
Haameey/Halac Dheere ee ugu dambeeyey gabaygiisii Af-Gudhiye la baxay iyo kii dhex maray
Sayid Maxamed iyo Gooni Yare. Waxaa haddaba jira kuwa kale oo badan oo sababo
jira awgood aan aad loo maqal. Waxaa ka mid ah kuwa Raage Ugaas ka sugnaaday iyo
midkan dhexmaray Cali Oday iyo
Weerar Bulxan. Weerar baa ku horeeyey oo
Cali xujeeyey oo wuxuu yidhi:
Wuxuu yidhi
Weerar:
-
Caliyow biyo ooman
-
Sidee loo balxiyaa?
-
Baqbeenadoo dacarootay
-
Sidee looga baxshaa?
-
Buur weyn oo macaluushay
-
Ma la baanan karaa?
-
Laas bilaale ku yaaloo
-
Boqol maaxda ku deeqoo
-
Bidhe hoorsi
galayninoo
-
Batow loogu arooro
-
Adaa beyd gabay sheegtee
-
Calow baabka ka dhawr?
Cali Oday ayaa wada furay oo yidhi:
-
Buur weyn oo macaluushay
-
Kol hadduu boqor eexdo
-
Waa buurtaa macaluushoo
-
Lama baanan karaayo
-
Basaridii habartaa
-
Riyahay barqinaysayee
-
Ka biirsatay qaabka
-
Markii waagu baryo
-
Bukurteey lulanaysayee
-
Karbaashkaw barkinaysay
-
Burcad bay ka samaysoo
-
Baqbeenadaa
dacarootay
-
Sidaasaa looga baxshaa
-
Bawda weyne barbaariyo
-
Beydalkii
gabadheedoo
-
Isla baaluqa gaadhay
-
Bawrigii mehershoo??
-
Ee barada laysugu keeno
-
Basar bay ku kacdaayoo
-
Weerarow biyo ooman
-
Saasaa loo balxiyaa
Weerar baa ku noqday oo wuxuu yidhi:
-
Inta raad iyo ruux leh
-
Lababa waysku rafiiqee
-
Raha kay aano yihiin?
-
Ra’sigaa wax lagooyoo
-
Adduunkiina rudhaaya
-
Bal Calow run ka sheeg?
|
Cali Oday baa wada furay oo wuxuu yidhi:
-
Haddii aan run ka sheego
-
Asaad been ka rogaasho
-
Walaalkaygii rummaadow
-
Rabbi baa lagu raacshay
-
Raadkaa raadka ka
weynoo
-
Ruuxaa ruuxa ka
dheer ee
-
Ruqufraaquf dhaaqaaqiyo
-
Reeryo qaad xumadiisiyo
-
Miskihiisa radooban
-
Rashka gaaban
dhurwaagay
-
Raha aano yihiinoo
-
Waysku reer Dhicisow
-
Ra’sigaa wax la gooyey
-
Adduunkiina rudhaaya
-
Cadkii Eebe rid’eeyee
-
Ragga meel kaga
yaalee
-
Rundudaan u aqaanaa
Weerar baa ku noqday:
-
Caliyoow soddan reeroo
-
Sac
adduunyo ka soofin
-
Oo
subagii wadi weyday
-
Sifadooda bal sheeg?
Cali baa furay oo yidhi:
-
Weerarow soddan reeroon
-
Sac
adduunyo ka soofin
-
Oo
subagii sidi weyday
-
Safarbaa la yidhaa
-
Saa
hadday noqon waydana
-
Sinsin
baa la yidhaa
-
Saa
hadday noqon weydana
-
Safsadaa la yidhaa
Nasiib
xumo halkaa ayey cajaladii
sheekadu ku duubnayd ku
dhammaatay. Soo raadi
hal-xidhaalahaa badan ee qaaliga
ah oo
wixii aad ka hesho nala soo socodsii liibaane. |
Kor u noqo
|
|